War deg deg ah dagaallo qaraar oo ka dhacay Kaaraan iyo Mucaaradka oo la wareegay gacan ku haynta Waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, June 19, 2009.



Dagaallo qaraar ayaa galabta mar qura ka dhacay deegaanno dhowr ah oo dhaca degmada Kaaraan waqooyiga magaalada Muqdisho

Wararka aan ka helayno degmada Kaaraan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogaga Mucaaradka Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta saldhigga Booliska degmada Kaaraan iyo xarunta degmada.

Xaalada kaaraan ayaa aad u kacsan waxaana yaraaday isku socodka dadweynaha ee halkaasi ka jira.

Ciidanka dowlada ayaa la sheegayaa in ay baneeyeen gebi ahaanba fariisimadii ay ka joogeen degmada Kaaraan.

lama oga halka ay qabteen Ciidanka dowlada ee ku sugnaa degmada Kaaraan, la wareegida Waqooyiga Muqdisho ay la wareegeen xoogaga islaamiga ah ayaa caqabad ku ah jiritaanka dowlada KMG Somalia.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho