
Ciidamo
kawada tirsan Dowladdda
Federaalka oo ku dagaalamay
magaalada Muqdisho dad badana
iska laayay
MudugNet, Muqdisho. Jimce,
June 19, 2009.
Ciidamo kawada tirsan
dowladda Federaalka Somalia ayaa
maanta isku dilay degmada
Waaberi magaalada Muqdisho.
Askar katirsan Ciidankii hore ee
dowlada ayaa la sheegay in ay
qaab shaki ah u dileen Askari
katirsanaa maaakimta oo ku
hubaysanaa bastoolad.
dadka degmada Waaberi ayaa
sheegay in Ninka ladilay ay
ciidanku moodeen Al Shabaab
isagoo dhaawac ahna ay dhigeen
saldhigga booliska.
Daqiiqada kadib waxaa saldhigga
soo weeraray ciidanka dowlada ee
dhanka Maxaakimta kasoo galay
waxaana halkaasi ka dhacay
rasaas ay labada dhinac is
dhaafsadeen
xaalada ayaa degan waxaase la
sheegayaa in kala shaki xoogan
uu labada dhinac soo kala
dhaxgalay taas oo caqabad ku
noqon karta dagaalka ay dowladu
kula jirto xoogaga hubaysan.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho