
Tafaasiil
Dheeri ah oo kasoo baxaysa
dilkii Cumar Xaashi iyo khasaara
xoogan oo ka dhashay qaraxii B/weyne
MudugNet, Muqdisho. Khamiis,
June 18, 2009.
Warar Dheeraad ah ayaa kasoo
baxaya weerar ismiidaamin ah oo
maanta magaalada B/weyne lagula
eegtay wasiirkii Amniga qaranka
dowlada Federaalka iyo saraakiil
Itoobiyan ah.
Qarax xoogan oo u muuqday in uu
gaystay ruux naftiisa gooyay
ayaa maanta duhurkii ka dhacay
afaafka hore ee hoteelka Madiina
oo ah meel ay ku sugnaayeen
saraakiil katirsan Dowlada KMG
Somalia.
Weerarkaas isqarxinta ah waxaa
ku baxay Col. Cumar Xaashi Aadan
iyo Cabdi Kariin Faarax Laqanyo
oo horay u ahaa safiirka dowlada
uqaabilsanaa magaalada Addis
Ababa.
Xaalada magaalada B/weyne ayaa
aad u kacsan kadib markii
ladilay Wasiir Cumar Xaashi iyo
dad farabadan oo ay qaraaba
hoosaad ahaayeen
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
magaalada Muqdisho