
Dagaallo
iyo duqaymo maalintii 3-aad ka
socdo magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Khamiis,
June 18, 2009.
Dagaallo iyo
duqaymo kala gedisan ayaa
maalintii 3-aad magaalada
Muqdisho ka socdo, dagaallo
qaraar ayaa maanbta degmada
Kaaraan ku dhaxmaray.
Warar aan ka helnay degmada
Kaaraan ayaa sheegaya in
khasaarooyin ay ka dhasheen
dagaaladaasi oo ahaa kuwa
saamayn dhan walba ah ku yeeshay
dadweynaha.
Dhibaatada ugu weyn waxaa
dhaliyay madaafiic ay Ciidanka
AMISOM si miir la'aan ugu
garaacayaan meelaha ay dadka
rayidka ah deganyihiin waloow ay
jiraan madaafiic ay labada
dhinac is dhaafsanayaan oo iyana
dadka waxyeelaysay.
Dhinaca kale waxaa maanta
albaabada loo laabay suuqa weyn
ee degmada Kaaraan oo ay kusoo
dheceen mafaafiic dadka baqdin
ku beertay, gaadiidka caanaha
keena suuqa Kaaraan ayaa fooda
gelin waayay suuqaasi waxaana la
arkayay gaadiidka oo ay caana ku
raranyihiin oo la' cid ka
iibsata maadaama dadkii iibsan
jiray ay barakeceen.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho