Saqajaamiinta Al Shabaab oo ku faantay dilkii Cumar Xaashi Aadan

 

MudugNet, Muqdisho. Khamiis, June 18, 2009.
 



Kooxda hubaysan ee Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay dilkii Wasiirkii arrimamaha amaanka dowlada KMG Somalia Cumar Xaashi Aadan.
sidii caadada ahayd Al Shabaab oo ku caan baxday beegsiga mas'uuliyiinta dowlada iyo ciidanka AMISOM waxay ku faantay in ay mas'uul ka ahayd falkii lagu dilay cumat xaashi iyo saraakii la socotay.

Afhayeenka Ururka Al-shabaab Shiikh Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ururkooda uu ka dambeeyey qaraxaas islamarkaana ay la bartilmaameedsadeen saraakiil muhiim ah oo dowladda katirsanaa.
Wuxuu sheegay in askari kamid ah ciidankooda uu fuliyey qaraxa islamarkaana uu ku beegsaday xilli ay saraakiisha kulan ku lahaayeen Hotelka Madiina ee magaalada Baledweyne.

"Shaqsiyaad dhibaato ku hayey shacabka dalkana cadow soo galinayey haddana maleegayey dhibaatooyin hor leh ayaa ku dhintay qaraxa" ayuu yiri Shiikh Cali Dheere afhayeenka Ururka Al-shabaab.

Wuxuu intaas raaciyey in qaraxa ay uga gol lahaayeen inay ugu aaraan shacabkii maalmihii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Muqdisho ee ku dhintay duqeyntii arxan darada aheyd ee kadhacday magaalada Muqdisho.
Sheegashada Ururka Al-shabaab ee mas'uuliyadda qaraxa is miidaaminta ah ayaa imaanaysa xilli uu isi soo tarayo khasaaraha ka dhashay qaraxaas ee gaaray dadkii ku sugnaa hotelka iyo hareerihiisa.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho