Qaar ka mid ah Waxgaradka Beesha Mudulood oo soo saaray War ay ku cambaaraynayaan Duqayntii lagu xasuuqay dad ku sugan degmada Kaaraan

 

MudugNet, Muqdisho. Khamiis, June 18, 2009.


Khasaarihii ugu badnaa abid ayay shalay shacabka ku nool waqooyiga muqdisho kala kulmeen duqaymaha socda tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe.
Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Mudulood ayaa fariin codsi iyo cambaarayn ah u dirtay madaxweyne Shariif oo qudhiisa beesha Mudulood kasoo jeeda.
Ka: Beelweynta beesha Mudulood ee ku nool W/qooyiga Muqdisho
Ku: Madaxweynaha dowlada Midnimada Qaran
kadib markii ay shacabka beesha Mudulood taageero hiil iyo hoob ah lagarab istaageen dowlada Midnimada qaran iyo tii ka horaysay ee Cali Geedi ku jiray waxaan ogaanay in taageeradeenu ay noqotay hal bacaad lagu lisay.
Beesha Mudulood ee degan Waqooyiga magaalada Muqdisho waxay Ashtako ka muujinaysaa xasuuqa aan geedka loogu soo gaba ee shalay lagula kacay Dhalinyareeda iyo waxgaradkeeda.
Taageeradii aan u haynay dowlada waxay gaalada Madoow ee Madaxweynaha ilaalisa noogu bedeleen daadinta dhiigeena xalaasha ah.
Mudane Madaxweyne waxaad nooga baxday balantii aad noo qaaday ee ahayd in aan wax ka nuugno naaska dowladnimo taas bedelkeed waxaan qayb weyn ka nuugnay Xasuuqa ay Ciidanka Midowga Africa ka wadaan Muqdisho inteeda kale waloow aanan raali ka ahayn laynta dadka Muqdisho oo walaalheen ah.
Waxyaabaha ka caraysiiyay Waxgaradka Mudulood.
1-Xasuuqii ay Gaalada Madoow ka gaysteen degmooyinka Kaaraan iyo Shibis, shalay oo ay taariikhdu ahayd 17-6-2009 waxaa kaaraan iyo shixbis kusoo dhacay 30 Madfac badankoodna lagu beegsaday goobo shacab ah , geerida ayaa gaartay 40-qof iyo burbur hantiyadeed.
2- Kooxaha Nabad diidka Mucaaradka ah markii ay soo dul roogsadeen degmada Kaaraan waxaan u sheegnay in aysan xoog nagu muquunin oo ay rabtooda joogaan way naga yeeleen iyagoo awooda in ay degmada dagaal ka ridaan halka dowladu ay madaafiic noogu bedeshay.
3- Dowlada Midnimada Qaran waxay si aan xishood lahayn dagaallo ugu layhaysaa dhalinyaradii beesha Mudulood ee dhiganayay jaamacadaha iyo iskuulada.
Mudane Madaxweyne adiga oo aqoonyahan ah ayaad kursigaaga darstiis dagaal u gelinaysaa mutacalimiinta beesha!! hadii aad wax kale weysid maad Odayaasha ciidan u dirsatid iyagaa yaqaan kan dagaalka ku haboon iyo kan kale.
4-Xasuuqii Galgalato: Galgalato waxaa ka dhacay Xasuuq baahsan oo ay gaysteen manaxayaal waxaana lagu laayay 25 Curdun Mudulood.
waxaan dhimashada dadkaas dusha ka saaraynaa Madaxweynaha oo dagaalada lagu difaacyo kursigiisa safafka hore ka geeyay da'yartii beesha.
5- Isku dheeli tirnaan la'aan qaabka dagaalka loogu jiro: Beesha Mudulood waxay dhaliilsantahay qaabka ay dowladu u dagaal gelisay ciidankeeda.
Dagaalada lagu difaacayo kursiga madaxweynaha waxaa lagu baab'iyay dhalinyarada beesha, dagaalkii ka dhacay Fagax waxaa ku dhintay 15 wiil oo jaamacado dhiganayay dhamaantoodna ah beesha.
Maxay dagaalada oga qayb qaadan waayeen beelaha kale? taasi waa wax xaaraan ah iyo abaal dhac beesha lagu sameeyay
6- Dib usooo noo laynta dagaal oogayaashii Beesha Mudulood: Madaxweyneheena wuxuu dib noogu celinayaan 198-dii oo ay hoggaamiyaal manaxayaal ah kasoo dhax bexeen Beesha wuxuu hadda hub u dhiibayaa kuwii faceen naga reebay.
7- Beesha Mudulood waxay ugu baaqaysaa Madaxweynaha in dhaqaalaha uu ku daldalayo beelaha kale uu wax ugu qabto shacabka ku dhibaataysan duleedka bari ee Muqdisho
8- Mudulood wuxuu Madaxweynaha ka codsanayaa in uu xilka iska casilo oo aan beesha la ijaafayn sida dhibkii aan ka dhaxalnay Cali Geedi iyo Cali Mahdi.
Mudulood wuxuu ku ceeboobay Xasuuqii ay Muqdisho ka gaysteen Geedi iyo Jeelle iyo suntii uu Cali Mahdi ku aasay badda
FG. Baaqan waxaa soo saaray Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha oo sababa jira aan magacooda shaaci karin