Itoobiya oo Ciidan xoogan soo gelisay gobalka Bakool dalka Somalia

 

MudugNet, Muqdisho. Khamiis, June 18, 2009.
 


Kumaanaan katirsan Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa gudaha usoo galay Somalia kadib markii ay xoogaga Islaamiyiinta Somalia awoodooda ciidan ku fidiyeen gobalada dalka Somalia xilli ay dagaallo socdaan

Ciidamadaan ayaa la sheegay inay fariisin ka dhigteen banaanka magaalada islamarkaana ay difaacyo sameysteen, waxaana jira warar sheegaya in markii ay magaalada gudaha u soo galeen ay tiro dad ah qabqabteen.

Qof deegaanka ah ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Ethiopia ay kulamo la qaateen mas'uuliyiin katirsan maamuladii gobolada Bay iyo Bakool oo horay ugu sugnaa halkaas lamana oga waxyaabaha looga hadlay kulamadaas.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay degmada Ceelbarde ay wateen illaa 9-gaari oo qaarkood ay yihin kuwa dagaalka halka qaar kale ay yihin kuwa ciidamada iyo saanadaha lagu daabulo.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho