Taliyihii Ciidanka Booliska gobalka Banaadir oo ku geeriyooday dagaal saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, June 17, 2009.
 


Xoogaga kasoo horjeedo dowladda Somalia ayaa ku guulaystay in ay dib uceliyaan ciidanka dowlada oo saaka dagaal ku qabsaday gooba muhiim ah.
Sarkaalkii ugu sareeyay Booliska gobalka Banaadir ayaa ku geeriyay dagaalada Muqdisho xilli uu ku sugnaan afaafka hore ee Jidda dagaalka.

Wararka laga helayo geerida taliyaha ayaa sheegaya in taliyaha uu ku geeriyooday madfac kula dhacay meel aad uga fog aagga hore ee dagaalka,

Dowladda KMG ah ayaa xaqiijisay geerida Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Cali Saciid, mana jiro faah-faahin rasmi ah oo dowladdu ay ka bixisay qaabka uu u dhintay Taliyaha.

Ilo wareedyo ay MudugNet heshay ayaa sheegaya in Madfac ku dhacay Gaariga Taliye Cal Saciid uu ahaa mid ay soo rideen Ciidamada Amisom, ayna wax kama jiraan tahay sheegashada kooxaha Mayalka adaga sheegteen iney iyagu ka dambeeyeenlka 

Naxariistii janno Allaha siiyo Shahiid Cali Saciid ayaa ahaa nin wadaniyadiisu ay aad u dheer tahay waxaana isla shalay sameeyay aas qaran .


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Muqdisho Somalia.