Khasaara culus oo shacabka kasoo gaaray dagaalada weli ka socda magaalada Muqdisho

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, June 17, 2009.



Khasaara balaaran ayaa shacabka iyo dhinacyadii dagaalamayay kasoo gaaray dagaallo qaraar oo maanta oo dhan ka socday magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 18-qof oo Rayid ah ayaa ku geeriyooday 30-kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaalada weli kasii socda magaalada Muqdisho.

Cisbitaalada Muqdisho ayaa la ciir ciiraya bukaano dhaawacyo kala gedisan kasoo gaareen dagaalada.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Weriye Ismaaciil Salaad Guuleed Istiila oo kamid ah Shaqaalaha Idaacadda Simba xilli uu ku guda jiray shaqo saxaafadeed.



Mudugnet.com Xafiiska Wararka Muqdisho Somalia