
Dhaqanka
Hawiye oo ka hadlay dagaalada
weli kasii socdo magaalada
Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
June 17, 2009.
Waxgaradka Beelaha hawiye
ayaa walaac balaaran ka muujiyay
dagaalada iyo duqaymaha ay ku
dhamaanayaan shacabka ee weli
kasii socda magaalada Muqdisho.
Nabadoon Xaad oo wareysi
siinayey mid kamid ah idaacadaha
magaalada Muqdisho ayaa sheegay
inay ka xun yihiin Gole ahaan
dagaalada ka dhacaya magaalada
Muqdisho, waxaana uu sheegay
inay ugu baaqayaan dhinacyada
dagaalamaya inay shuruud la'an
dagaalka joojiyaan.
Wuxuu sheegay Mr. Xaad in
dagaalka dhibtiisa ugu badan ay
gaarayso shacabka maatida ah ee
lagu dul dagaalamayo, waxaana uu
ugu baaqay dhinacyada
dagaalamaya inay dulqaad
muujiyaan oo ay shacabka u
turaan.
Wuxuu sidoo kale xaad si kulul u
cambaareeyey ciidamada AMISOM oo
uu sheegay inay duqeyn aan kala
go'laheyn la beegsadeen
xaafadaha ay ku dhaqan yihin
dadka shacabka ah ee magaalada
Muqdisho.
"Ciidanka AMISOM mar walba maaha
inay shacabkeena duqeeyaan oo ay
dhiigooda baneynstaan waana
cambaraynaa in deegaano aan
dagaal ka jirin ay madaafiic la
dhacaan" ayuu yiri Xaad
Mas'uuliyiintan katirsan
dhaqanka Hawiye ayaa ka digay in
dalka Somalia uu ugacan galo
cadaw aan la aqoon hadii ay sii
socdaan dagaalada u dhexeeya
Somalida.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Muqdisho Somalia