Ciidamada AMISOM oo galabta duqaymo culus u gaystay suuqa Bakaaraha Muqdisho

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, June 17, 2009.



Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ayaa madaafiic culus ku garaacay Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu weyn ganacsiga Somalia.

Duqaymo culus ayay Ciidanka Africanka ah ka gaysteen meelaha ganacsiga ah taas oo sababtay khasaara soo gaara shacabka rayidka ah iyo goobaha ganacsiga.

Goob joogayaal ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa Mudugnet.com u sheegay in 4-qof ay ku dhinteen duqaynta ugu daran oo ka dhacday wadooyinka 1-aad iyo 2-aad.

Dadka ayaa layaaban sababaha ay Ciidanka AMISOM ee Muqdisho jooga ay Villa Somalia uga duqaynayaan Suuqa Bakaaraha Muqdisho


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Muqdisho Somalia

Waxaan naclad dusha uga tuureynaa Ciidamada Kufaarta ee Amisom oo mas'uul ka ah 90% geerida ku timaada dadka rayadka ah , waxaana mas'uuliyadeeda iska leh Sheekh Shariif iyo ina Cabdirashiid , waana in Kufaarta Ugaandheeska loo sheegaa in ay joojiyaan duqeymaha Goobaha ganacsiga iyo Cibaadeysiga , hadii kale Labadan Shaqsi ee Sheriif iyo ina Cabdirashiid ay lumiyaan taageerada Shacabka waaba lumiyeenee!

Cabdirisaaq cadde
editor.