Xoogagga Al-shabaab oo Dagaal kula wareegay Fariisimo ay ciidanka Dowladda ku lahaayeen Deegaanka Galgalato.

 

MudugNet, Muqdisho. Talaado, June 16, 2009.


 
Dagaal culus oo saaka kadhacay deegaanka Galgalato ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa looga itaal roonaaday Ciidanka Dowlada Somalia kadib dagaal socday muddo 2 saacadood ah.
Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar kula jarmaaday fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halka loo yaqaan Galgalato oo duleedka kaga aadan Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta wadada dhanka bariga uga baxdo Muqdisho waloow ay Ciidanka Dowladu ay ku suganyihiin meel aan sidaasi uga fogayn.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Al Shabaab ay qabsatay Sedax gaari oo ah nuuca dagaalka oo uu ku kala magacaabay, Zuuk,B10,Shilke.
Ma ahan markii ugu horaysay oo ay dagaalamaan Ciidanka Dowlada iyo xoogaga kasoo horjeeda ee dowlada mucaaradsan.


Xafiiska Wararka Muqdisho.