
Midowga Afrika oo Beeniyey in
Ciidamada Ethiopia gudaha u
galeen qeybo ka mid ah dalka
Somalia
MudugNet, Muqdisho. Talaado,
June 16, 2009.
Madaxa Amaanka iyo Nabad galyada
Midowga Afrika ayaa wararka
sheegaya in ciidamada Ethiopia
gudaha u galeen dalka Somalia
waxa uu ku tilmaamay kuwa la
buunbuuniyey oo aan sal iyo raad
laheyn.
Shariif Maxamed Zene madaxa
amaanka iyo Nabad galyada
midowga Afrika ayaa xusay in
wararkaas aysan aheyn kuwa
xaqiiq ah, waxaana uu sheegay in
ciidamada Ethiopia aanay dib u
galin gudaha Somalia.
Wuxuu tilmaamay in Somalia ay ka
dagaalamayaan dad shisheeye ah
kuuwaas oo uu xusay inay ka
barbar dagaalamayaan kooxaha
mucaaradka, isagoona intaas ku
daray in dadka shisheeyaha ee
Somalia ka dagaalamaya aanay
dooneyn inay Somalia nabad ka
dhalato.
"Waxay doonayaan inay
carqaladeeyaan Dalka Somalia
Ujeedo kale malaha" ayuu yiri
Mr. Shariif Maxamed Zene madaxa
amaanka iyo Nabad galyada
midowga Afrika.
Xafiiska Wararka Muqdisho.