
AMISOM oo adkaysay amaanka
Madaxweyne Shariif iyo
xoghaynadiisa oo hub ka dhigis
lagu sameeyay
MudugNet, Muqdisho. Sabti,
June 13, 2009.
Ciidanka Nabad ilaalinta
Midowga Africa ayaa si weyn u
adkeeyay amaanka Madaxweynaha
dowladda Federaalka Shariif
Shiikh Axmed.
Warar Hoose oo ay heshay
Mudugnet.com ayaa
xaqiijinaya in Amaanka
madaxweynaha ay la wareegeen
Ciidanka AMISOM kadib markii
laga shakiyay qaar katirsan
xoghaynada madaxweynaha.
Sarkaal ka tirsan Xafiiska
madaxweynaha ayaa noo xaqiijiyay
in la mamnuucay in madaxweynaha
ay baaris la'aan u galaan
saraakiisha dowladda.
Xildhibaano iyo wasiiro katirsan
dowlada ayaa arrinkaas cabasho
ka muujiyay iyagoona sheegay in
ay yaraa doonto kala warqabka
kala dhexeeya madaxweynaha.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho