
Ciidamada AMISOM oo maanta Nin
rayid ah ku dilay Isgoyska KM4
degmada Hodon magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Jimce,
July 03, 2009.
Ciidamada AMISOM ee
dowlada Federaalka Somalia ku
ilaaliyo magaalada Muqdisho ayaa
bilaabay in ay dadka Rayidka ah
si bareer ah u toogtaan.
Galabta casar liiqii ayay
ciidanka AMISOM ee ku sugan
Isgoyska KM4 degmada Hodon waxay
toogasho ku dileen Nin Rayid ah
oo marayay agagaarka Saafaradii
hore ee Masar oo fariisin u ah
Ciidanka AMISOM.
Goob joogayaal ayaa sheegay in
ciidanka AMISOM ay dhabarka ka
toogteen marxuumka geeriyooday
oo goobta marayay iyagoona uga
shakiyay in uu halkaasi Miino ku
aasayay, dadka ayaa sheegay in
ruuxa ladilay uusan hubaysnayn
islamarkaana ay Ciidanka AMISOM
ay awoodeen in ay soo qabtaan
su'aalana ay weydiiyaan.
Falkan wuxuushnimada ah oo ay
AMISOM gaysatay ayaa cadaynaya
xaqiiqda eedayn ay dhawaan usoo
jeedisay Hay'ada Xuquuqul
aadanaha Human Rights Watch.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho