
Al Shabaab oo Xukun Gacan goyn
ah ku riday Nin ku sugan
magaalada Marka oo lagu helay
fal xatooyo ah
MudugNet, Muqdisho. Jimce,
July 03, 2009.
Maxkamad ay leeyihii
Xarakada Al Shabaab ayaa maanta
mar kale xukun gacan goyn ah ku
xukuntay Qof ku sugan magaalada
Marka oo lagu helay fal xatooyo
ah.
Wararka nagasoo gaaraya
magaalada Marka ayaa xaqiijinaya
in Meel fagaar ah gacanta looga
jaray Max'med Islaaw oo la
sheegay in uu xaday neef lo' ah
deegaanka Gandaabe gobalka
Shabeelaha Hoose.
Ciqaabtan lagu riday Max'med
Islaawe ayaa ah mid fudu marka
loo eego gacan goyn ay horay u
fuliyeen kooxda Al
Shabaab,Ninkan lagu helay
tuuganidama ayaa lasheegay in
laga jarayo qayb kamid ah
gacantiisa.
Ma ahan markii ugu horaysay oo
ay Al Shabaab fuliyaan xukun
nuucaan ah, horay ayay xukun kan
oo kala ah ufa fuliyeen
Muqdisho,Kismaayo,Baardheere iyo
Marka.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho