
Sarkaalkii
ugu sareeyay Ciidanka Maxaakimta
dowlada raacsan oo ku biiray
kooxda mucaaradka Xisbul Islaam
MudugNet, Muqdisho. Khamiis,
July 02, 2009.
Sarkaal sare oo katirsan
Maxaakimta Islaamka Dowlada
raacsan ayaa shaaca ka qaaday in
uu ku biiray xoogaga mucaaradka
isklamarkaana uu ka baxay
Dowlada Federaalka Somalia.
Mas'uuliyiintii Maxaakimta
Gobalka Hiiraan ayaa maalmihii
lasoo dhaafay sida Tuxbixii oo
kale ukala daadanayay tan iyo
markii weerar Ismiidaamin ah
lagu dilay Cumar Xaashi Aadan.
Taliyaha oo wata labo
gaadiidka dagaalka ah iyo
50-askari oo katirsanaa ciidanka
Maxkamadaha Islaamka ayaa saaka
u talaabay dhanka Galbeed ee
magaalada Baledweyne halkaas oo
ay gacanta ku hayaan xoogagga
Xizbul Islaa iyo Al-shabaab.
Taliyaha oo hadal kooban siiyey
saxaafadda ayaa sheegay inuu
isaga baxay maamulka Maxkamadaha
Islaamka oo uu ku eedeeyey inay
dalka soo galiyaan cadowga
Soomaaliya, waxaana uu sheegay
inuu diyaar u yahay inuu la
dagaalamo ciidanka Ethiopia.
Wuxuu intaas ku daray in isaga
iyo saraakiil katirsan Ururka
Xizbul Islaam ay saacadaha soo
socda si wada jirah u qaban
doonaan shir jaraa'id oo ay uga
hadlayaan ka soo tagistiisa
Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee
gobolka Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee goosashada
taliyihii ciidanka Maxkamadaha
Islaamka ee magaalada Baledweyne
ayaa imaanaysay xilli maamulka
Maxkamadaha Islaamka ee gobolka
Hiiraan ay hareeyeen khilaafaad
u dhexeeya madaxda, waxaana
xusid mudan in guddoomiyihii
maamulkaas ay u yeertay dowladda
KMG ah.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho