
Dagaaladii
ugu cuslaa oo maanta ka dhacay
magaalada Muqdisho iyo
Mucaaradka oo meelo hor leh
qabsaday
MudugNet, Muqdisho. Khamiis,
July 02, 2009.
Dagaallo qaraar ayaa maanta
mar kale ka dhacay xaafado
katirsan degmooyinka Kaaraan iyo
Shibis magaalada Muqdisho oo
maalmihii lasoo dhaafay ahaa
masrax dagaal.
Xoogaga Mucaaradka ah ayaa
maanta dagaaladii ku qabsaday
deegaano dhowr ah oo ay horay u
joogeen ciidamada dowlada
Federaalka Somalia.
Khasaara nafeed iyo mid
maaliyadeed ayaa ka dhashay
dagaalkii maanta ka dhacay
degmooyinka Kaaraan iyo Shibis
magaalada Muqdisho.
inta la ogyahay ku dhawaad
15-qof ayaa inta la xaqiijiyay
ku geeriyooday dagaalkii maanta
islamarkaana boqolaal dhaawac ah
lagu daad gureeyay cisbitaalada
Muqdisho.
Dagaalada ayaa kusoo fidaya
degmooyinka C/casisii, Shangaani
iyo agagaarka Qasriga
Madaxtooyada Villa Somalia,
waxaa laga cabsi qabaa in
dagaalka ay kusoo biiraan
ciidamo ajaanib ah oo dowlada
taageera.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho.