Dowlada Itoobiya oo yaraysatay Hanjabaadyada uga imaanaya Xoogaga Islaamiyiinta Somalia
 

 

MudugNet, Muqdisho. Khamiis, July 02, 2009.

 

Dowlada Itoobiya ayaan wax weyn kasoo qaadin hanjabaadyada kasoo yeeray Xoogaga Islaamiyiinta ee ku aadan in ay weerararyaan hadii ay Itoobiya isku daydo in ay Ciidan kusoo daad gurayso gudaha dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan kacdoono Islaami ah.
 

"Wax dhib ah naguma hayso digniinaha Islaamiyiinta Somalia, dabcan waxa hadalkaasi ka soo yeerayaa waa Al-shabaab oo jecel in dagaal furan ay ku dhawaaqaan, balse awood uma lahan in ay na soo weeraraan ee waa uun iska hadal aan fiiri dheeri loo oran oo looga gol leeyahay in dadka lagu beer laxawsado waayo dadku way ogyihiin in aysan waxba u heynin oo ay yihiin canaasiir dulaaliin gobolka Geeska Afrika uga ah Al-Qaacidda" ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Breket Simon oo warfidiyeenka kula hadlayay magaalada Addis Ababa.

Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Barkat Simon ayaa waxa uu sheegay in xoogaggaasi ay mashquul ku yihiin gudaha dalka Soomaaliya isla markaana ay dagaallo kula jiraan dawladda federalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inuusan marnaba aaminsanayn in xoogaggaasi ay qalqal gelin karaan ammaanka dalka Itoobiya oo ay cashar siinayaan haddii ay soo hawaystaan Itoobiya.

 

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho