
Ciidamo
daacad u ah Yuusuf Indha Cadde
oo galabta dagaal ku yimid
agagaarka Suuqa Bakaaraha
Magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Khamiis,
July 02, 2009.
Ciidamo daacad u ah Wasiiru
Dowlaha Wasaaradda
Gaashaandhigga Dowlada
Federaalka Somalia Yuusuf
Max'med Siyaad Indha cadde ayaa
galabta weerar kusoo qaaday
Suuqaa Bakaaraha magaalada
Muqdisho oo kamid ah meelaha ay
maamulaan xoogaga Islaamiga ah.
Dagaal culus balse muddo
daqiiqada ah socday ayay
Ciidanka dowlada ee Indha Cadde
taabacsan kusoo qaaday
Isgoysyada H/wadaag, Hodon iyo
Geed Jacayl waxaana halkaasi ka
dhacay dagaal markii dambe
joogsaday.
Ciidanka Indha Cadde oo
bilaawgii dagaaka ku gacan
sareeyay meela badana soo
qabsaday ayay markii dambe u
awood sheegteen xoogaga hubaysan
ee dowlada Federaalka Somalia
kasoo horjeeda.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho