
Xildhibaan
ka tirsan Baarlamanka Somalia oo
Muqdisho ku dhintay
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
July 01, 2009.
Mudane katirsan dowlada
Federaalka Somalia ayaa xalay ku
geeriyooday magaalada Muqdisho
kadib xanuun in mudda ah
hayay,saraakiisha cisbitaalka
Madiina ayaa sheegay in uu
xildhibaanku u dhintay caafimaad
xumo.
Geerida xildhibaankaan waxaa
xaqiijisay wasiiradda
horumarinta Reer Miyiga Khadiijo
Maxamed Diiriye oo xalay ka qeyb
gashay munaasabad lagu xusayey
1-da Luulyo oo ah maalintii ay
gobolada koonfureed xornimada ka
qaateen gumaystihii Talyaaniga.
Ma cadda rasmiyan sababaha uu u
geeriyooday xildhibaan Shariif
Saafi Rooble oo kamid ahaa
mudanaayaasha Barlamaanka
Somalia, mana jiro war rasmi ah
oo ka soo baxay guddoonka
Barlamaanka Somalia oo ku aadan
geerida xildhibaankan.
Inkasta oo aan la cadeyn karin
geerida xildhibaankaan hadda
waxa ay ku soo beegmaysaa xilli
inta badan xildhibaanada
Barlamaanka badankood ay hadda
dalka ka maqan yihiin sababo
xagga amaanka ah.
Xildhibaankaan ayaa noqonaya kii
4-aad ee ku geeriyooda magaalada
Muqdisho kadib markii horay ay
magaalada ugu dhinteen
xildhibaano kale oo ka mid ahaa
Barlamaanka Somalia oo uu ugu
dambeeyey xildhibaan Eng.
Maxamed Xuseen Cadow oo ku
dhintay dagaallo kadhacay
degmada Kaaraan.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho