
Maalinta
Xoriyada oo si gaabis ah looga
xusay Magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
July 01, 2009.
Munaasabada Kowda Luuliyo
ayaa si hagaagsan looga xusay
magaalada Muqdisho waloow inta
badan ay magaalada gacanta ugu
jirto Islaamiyiin aan jeclayn
xuska maalintaasi.
Mas'uuliyiin katirsan dowladda
Federaalka Somalia ayaa ka qayb
gashay munaasabado si qarsoodi
ah loogu qaybtay degmooyinka ay
dowladu ka maamusho magaalada
Muqdisho.
Munaasabad ka dhacday xarunta
maamulka gobalka Banaadir waxaa
hadalo ka jeediyay mas'uuliyiin
dowlada katirsan oo ku
dheeraaday muhiimada maalinta
xoriyada Somalia.
Taliyaha Ciidanka Booliska cabdi
Qaybdiid ayaa kamid ahaa dadkii
munaasabadaasi ka qayb galay
wuxuu sheegay in qaranka Somalia
uu qarka u saaranyahay cadaw
shisheeye.
" Kowda Luuliyo waa maalin
farxad leh waana markii aan
xoriyada ka qaadanaya cadawgii
Talyaaniga islamarkaana ay
midoobeen gobolada Koonfur iyo
Waqooyi" ayuu yiri qaybdiid.
Waxaa sidoo kale munaasabadii
lagu xusayay kowda Luuliyo ka
hadlay Maxamed Cismaan
Dhagaxtuur gudoomiyaha gobalka
Banaadir ahna duqa magaalada
Muqdisho.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho