
Yuusuf
Indha Cadde " Al Shabaab aniga
igama cilmi badna waxay rabaan
in ay dadka wareeriyaan".
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
July 01, 2009.
Yuusuf Maxamed Siyaad Indha
cadde oo katirsanaa
Hogaamiyayaasha Mucaaradka ayaa
loo magacaabay Wasiiru dowle
katirsan dowldda Federaalka
Somalia.
Indha Cadde oo Warbaahinta
lahadlay ayaa shaaca ka qaaday
in uu dagaal dhan walba ah
lageli doono xoogaga
Islaamiyiinta ah ee uu mar kamid
ahaa sida Al Shabaab iyo Xisbul
Islaam.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda
Gaashaandhigga ayaa shaaca ka
qaaday in xoogaga Al Shabaab uu
isagu kamid ahaa aas
aasayaashoodii balse uu ka baxay
markii ay galeen khaladaad sida
uu hadalka u dhigay.
" anigu xiligii dowladii Siyaad
Barre ciidan ayaan ahaa mana
duka jirin, waxaana aaminsanaa
in aan ahlu jana aah hadaan
itoobiya la dagaalo, Al Shabaab
aniga igama cilmi badna maxay
dadka u dilayaan" ayuu yiri
Indha Cadde.
Indha Cadde wuxuu si cad u
sheegay in Hoggaamiyaha Al
Shabaab Shiikh Mukhtaar Godane
uusan ahayn Nin wadaad ah oo wax
xukumi kara.
"Godanaha Shabaab madaxda u ah
waan aqaan aniga igama cilmi
badna wuxuu rabaa in uu
dhalinyaro habaawsan dadku ku
dilo" ayuu yiri indha cadde.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho