Gal-Mudug oo Maanta Dooratay Madaxweyne Cusub

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, July 01, 2009.
 


Dowlada Gobaleedka Gal Mudug ayaa maanta doortay Madaxweyne cusub kadib markii uu dhawaan xilka ka degan Madaxweynihii maamulkaasi Max'med Cali Kiimiko.
Kulan muhiim ah oo ay maanta magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamanka dowlad Gobaleedka Gal Mudug ayay ku doorteen Madaxweyne cusub oo ay yeeshaan shacabka ku nool maamulka Gal Mudug.

Madaxweynaha cusub ee ladoortay Axmed Shariif Hilow oo saacado kadib markii ladoortay Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in uu aqoonsanyahay dowlada KMG Somalia islamarkaana uu la shaqay doono.

Madaxweyne Hilowle wuxuu eedayn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Gal Mudug oo ku tilmaamay madaxweyne waqtigiisi ku idlaystay safara dibadda ah.
" Haa waan aqoonsanahay dowlada KMG Somalia waxaana diyaar unahay in aan la shaqayno somalia ayaan ka midnahay" ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Gal Mudug.


Ilaa iyo hadda wax War ah kamasoo bixin Madaxweynihii hore ee Gal Mudug oo ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Gal Mudug.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho