
Al Shabaab
oo Suuqa Xoolaha ka mamnuucday
Cunista Maandooriyaha Khaadka
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
July 01, 2009.
Xoogaga hubaysan ee maamula
degmada huriwaa magaalada
Muqdisho ayaa deeganaasi kusoo
rogay Awaamir ay ku diidayaan
cunista khaadka iyo ka
ganacsigiisa.
Baabuur dagaal oo ay ku
rakibanyihiin sameecado ayaa
dhaxwareegayay suuqa Xoolaha
kuwaasi oo dadka uga digayay
arrimaha qaadka.
Dadka ka ganacsada khaatka ayaa
lagu amray inaysan hadda kadib
deegaanka keeni karin khaatka
islamarkaana ciddii spoo galisa
laga qaadi doono talaabo
sharciga islaamka waafaqsan,
waxaana sidoo kale digniin loo
jeediyey dadka isticmaalka oo
looga digay inay deegaanka suuqa
xoolaha ku cunaan khaatka.
Dadka ku dhaqan deegaanka Suuqa
Xoolaha oo xiliyadii ugu
dambeeyey si weyn u camir mayey
ayaa si weyn maanta u hadal haya
joojinta ka ganacsiga iyi
isticmaalka khaatka ee deegaanka
suuqa xoolaha degmada Hurwaa
magaalada Muqdisho.
Xoogagga Al-shabaab ayaa horay
deegaano dhowr ah oo ay gacanta
ku hayaan waxa ay gebi ahaanba
uga joojiyeen isticmaalka iyo
ganacsiga khaatka taas oo dadka
badankiisa ay si wen u soo
dhaweeyeen.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho