Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Soo Gaaray Xarunta Galmudug ee Gaalkacyo

Daaqo Sawirada

Gaalkacyo, GalMudug, Talaado 30ka,  August, 2011


 
Wafdi balaaran oo uu horkacayo Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta soo gaadhay magaalada Galkacyo ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.
 
Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey gudaha magaalada Gaalkacyo Halkaasi oo markii ay soo gareen ay toos ugu gudbeen xarumaha ay ku noolyihiin dadka barkacayasha a ee ka soo barakacy koonfurta dalka.
 
Marki ay gaareen xarumaha dadkan barakacayaasha ah ayey raysal wasaaraha iyo wafdigii u hogaaminayey oo ay waheliyaan masuuliyiinta Maamul goboleedka Galmud waxay kaga dhagaysteen dadkaas soo barkacay in ay soo gudbiyaan dhibaatooyinka haysta iyo waliba in uu iyaga laftoodana uu raysal wasaare u yahay islamarkaana ay ka codsanayaan in gurmad deg deg ah loo fidiyo maadaama dhibaatada haysata ay tahay mid Galmudug ka awood badan.
 
Raysal Wasaaraha oo ay wajigiisa kamuuqatay dareen aad u balaadhan ayaa ugu bishaareeyey in ay xaq u leeyihiin wax kasta oo gar gaar ah oo soo gala dalka mar hadiiba ay yihiin dad muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhibaataysan ay yihiin Raysal wasaaruhu isagoo hadalkiisa siiwata ayuu siweyn waxa uu ugu mahad celiyey maamul goboleedka Galmudug Madax iyo shacaba sida hagar la,aanta ah ee ay u soo dhaweeyeen dadka walaalahood ah ee ay soo barakiciyeencolaadaha dheeraaday iyo abaaraha dalka aafeeyey.
 
C/Wali Maxamed Cali Gaas aya markii uu soo dhamaystay booqashadiisii dadka ku tabaalaysan gudaha xarunta maamulka Galmudug waxa uu shir kula qaatay madaxda iyo qay baha kala duwan ee bulshada oo uu horkacayey Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug waxayna isla lafa gueen arimo fara badan oo ay kamid tahay arimaha nabad galyada xiriirka labada dhinac ee dawladaFadaraalka Soomaaliya oo tan iyo intii C/Wali Maxamed Cali lagadhigay raysal Wasaaraha uu mugdi soo kala dhexgalay.
Waxaana markii u horaysay halkaasi hadalka lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka mudug mudane Iimaan Xasan Jiiraw oo mahadcelin iyo soo dhaeyn kadib tilmaamay in ay galmudug tahay hooygiisii islamarkaana ayna ahayn marki ugu horaysay ee uu yimaado dadka iyo masuuliyiinta Galmudugna ay aad u soo dhaweynayaan kuna farax sanyihiin imaatinkiisa deegaanada Galmudug.
 
waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ee Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Caalin oo isagu si faah faahsan uga hadlay waxyaalaha ay tabanayso Galmudug una cadeeyey sababta Galmudug ay u dhaliishay xukuumada uu hogaamiyo Cali Gaas oo uu sheegay in aan maamulada jira wax laga waydiin balse markasta Galmudug ay tahay mid u taagan raadinta midnimada u mada Soomaaliyeed.

Gaba gabadii kulankaas ayaa waxaa hadalkii qaatay Raysal Wasaare Gaas oo isagu mar labaad kamahd celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Galkacyo maamul iyo shacaba.
Dhinaca kale Madaxa xukuumada soomaaliya waxa u sheegay in Galmudug ay tahayasalka dawlada Soomaaliya iyaga la,aantoodna aan waxba suurta galeen mar uu kahadlay dhibaatooyinka taagan ee ay kamid tahaynabad galyadu waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay wax kastoo la isku qabto in lagu dhameeyo wadahadal la iskana ilaaliyo wax kasta oo keeni kara isku dhac dad ku dhintaan.
Raysalwasaare Gaas waxa uu balqaaday in ay wax wayn kaqabanayaan sidii loo caawin lahaa dadka ku dhibaataysan gudaha deegaanada galmudug sidoo kale waxa uucaraka ku dhuftay dadka kasoo barakacay mar labaad dhinaca puntland in wax laga qaban doono arimahoda maamulkaasna ay kala hadli doonaan.

si kasataba ha ahaatee booqashadii raysal wasaaraha Soomaaliya ee Galmudug ayaa ku dhamaatay jawi nabadeed oo ay dadka Reer galmudug aad u xiisaynayeen.

Fu'aad Xasan Caaqil(sanyuura)
sanyuuraf@hotmail.com
mudugnet.com Galkacyo Galmudug Soomaaliya


.Tifatirayaasha MudugNet ayaan innaba Wax xushmad iyo Wanaag ah u heyn Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Gaas oo ah Shaksi Xumaanta Qabiilku ka qaalib noqday oo innaba wax caaqiba ah laheyn Diintiisuna Tahay Qabiilka , Haduu Tago GalMudug iyo Haduu Guriga Hooyadiis Booqdo wax Farqi ah oo ay innaga iyo Bulshada GalMudug noo sameyneysaa ma jirto.

Saami Bile