Kaluumaysatada Degmada Hobyo oo Cabasho ka Muujiayay Maraakiib Shisheeye  oo Xaalufin Ku Haya Khayraadka Badda ee Deegaanada Gamudug State

Daawo Sawirada (Sawirada Dib ayaan ka soo galin doonaa)

 

Mudugnet, Gaalkacyo, Khamiis, 2da September, 2010

 

Wafdi ka Socda Dawlad Goboleedka Galmudug uuna Hogaaminayay Wasiirka Kaluumaysiga Khayraadka Badda & Dekadaha Max’d Cali Warsame ayaa todobaadkan Hawlo Shaqo Waxay ku tageen Degmada Hobyo ee Galmudug State

 

Waxaana Wafdiga Ka mid ahaa Tahliil Muuse Caraysane oo ah  Mas’uulka loo Magcaabay ladagaalanka Buracad Badeeda Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa wafdiga Wakiilka TV-ga Horn Ceble Xarutiisa Galmuudg C/qaadir Axmed Jimcaale iyo Wariyaha Mudugnet ee Galmudug Cabdalle Max’d Cabdille Sidoo Kale waxaa qayb ka ahaa Cabdi kariin oo ah Xog haynta Wasiirka Kaluumaysiga  Waxaana Wafdiga ay Magaalada Galkacyo ka Baxeen  Fiidnimii  Sabtida Soo Galaysay  27ka August, 2010.

 

Waxana Sii Mareen Deegaano Badan oo  ka tirsan Galmudug Subaxnimadii Hore Sabtida Wafdiga waxay Gaareen Magaalada Hobyo waxaxaa si diiran ugus oo dhweeyay wax Garadka Deegaanka iyo Dadweyne kale durbadiiba waxay kulan  la qaateen Guddiga Kaluumaystada Degmada waxaana Kulanka uu ka dhacay Xili Galab ah Xeebta Magaalada Hobyo ama dekada Hobyo waxaana ay Mas’uliyiinta Galmudug Guddaga ay leeyihiin Kaluumaysatda iyo Qaar kaluumaysatada ah oo Goob joog ahaa  ka wada hadleen Sida ay uscdaan Hawlaha kaluumasyiga oo ay sheegen in xiligaan ay baddu wali kacsan tahay waxay sidoo kale Cabsho Balaaran Ka Muujiyeen Dhibaatooyin ay sheegn inay ku hayaan Maraakiibta Shisheeye oo ayagu sheega inay la Dagaalamyaan Burcad Badeeda waxay kaluumaysatada sheegan in Tiro Doonyo ay ku shaqaysan jireen ay Maraakiibta ka Bur buriyeen Sidoo kalana ay dhalinyro badan oo kaluumaysto ahayd Laqabtay kuwaasi oo lagu eedeeyay inay yihiin Buracad Badeed basle ahaa Xamaalato badda u shaqo tagay waxay kaluumaystada Soo Badnhigeen Doonyo ay maraakiibta Dagaalka  Bur Buriyeen xili ay kualuumaysi ku jireen oo ay waliba jiraan mararka qaar diyaarado kasoo dul kacaya maraakiibta oo inta aan Xeebta laga fogaan dhibaataynaya kaluumaysatada Xeebaha  

 

Waxaa tiro Doonyo oo ay bur buriyeen ay ku soo caariyeen Xebta  ayna ka muuqato dhibaatooyin waa weyn iyo Shabaakihii ay kaluunka iyo khayradka kale ku daban jireen oo ay jar jareen maraakiibta shisheeya kalana baxeen wixii ay markaasi ka helaan oo iskugu jira Kaluun Argoosato liibax iyo qaar kale oo kahayraadka badda ah

  Mar aan waydiinay kaluumaysatada in dhibaatooyin ay kla kulmaan kooxaha Burcad Badeeda waxay kaga Jawaabeen in Dhibaatada Burcad badeda ay tahay Mid Guud ahana Soomaliya Ka jirta balse aysan si qaas ah wax dhibaato ah uagaysan oo ayba uga daran tahay Marakiibta Shisheeye oo xitaa Biriga diyaarado uga daabusha Ugaarta

 

Waxyaabaha ay Kaluumaysatda ka Cabanayaan Waxaa ka mid ah Dabaylihii Sunamiga ee ka dhacay Xeebaha Somaaliya oo Saameyay bur bur xoogana u gaystay Doonyo badan oo ay la haayeen kaluumaysatada Degmada hobyo taasi oo aysan  jirin ilaa iyo hadda Cid  Gacan ka siisay Taakulayn  qalab ay ku shaqo Galaan  

 

 Kaluumaysatada Waxay Wasiirka iyo Mas’uliyiinta  la soctayba ka Codsadeen in Maamulka Galmuudg ay arintaasi Cabshooyinka ah wax ka qabtaan oo ay ugu horeeyaan Maraakiibta Bad weynta Taagan ee udiidan inay Kaluumaystaan Waxay intaasi ku daeen kaluumaysatda oo isku jirta kuwa Xeebta hobyo iyo labd oo Wafdiga ay Gaareen in ay jiraan qalab Matooro ah oo mid kamid ah hay’adaha ka hawl Gala Galmudug inta Magcooda ku so qaateen aysan soo Gaarsiin oo lagu qaybiyay Galkacyo oo shaqsiyaad la siiyay sida ay sheegen  taasina ay Cabasho uga yihiin Maamulka Galmudug State

 

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Khayraadka Badda & Dekadaha Galmudug  Max’d Cali Warsame oo la Hadlay Kaluumaysatada kadib Markii uu warbxinada ka dhaxgasytay waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatda haysata Waxa uuna Balan qaaday inuu dadaal badan u Galayo Sidii Cabashadooda Wax badan looga qaban lahaaa beesha Calamkana uu la kaashanayo sidii kaluumaysatada dhamaan Deegaanada Galmudug looga Kaalmayn lahaa Baahidooda waxa uuna ugu baaqay Dawladaha Shisheeye ee iska leh Marakiibta ku Suga Xeebaha Somaaliya Gaar ahana Galmudug ay ka bxaan waxa uu wasiirka balan qaaday in Hay’adaha Ka hawl gala Galmudug ee la sheegay inay qalab Badda ah intay soo qaadeen Qaab Qaldan Umaamuleen uu la xisaabtamayo Wasaarad ahaan

 

Ugu dan baytiina Kaluumaysatada Xeebha Hobyo iyo Labad ee Gobolka Hobyo waxay u mahd Celyeen Wasiirka iyo Wafdiga Socdaalkiisa ku Wehliyayay waxayna xuseen inay tahay markii ugu horaysay oo kulan iyo kormeer Caynkaan ah Maamulka  Galmudug Wasaaradiisa Kaluumaysiga ay la Sameeyaan waxayna rajo fiican ka Muujiyeen inay waxa badan iska badali doonaan Qaabka kauulmaysi ee Xeebaha Galmudug State

 

 

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

Galmudug State SOMalia

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com