Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug oo dhoola Tus  ku Sameeyay Xeebta Magaalada  Hobyo ee Galmudug State

 

Daawo Sawirada (Sawirada oo dhan oo flash Movie animation ah goor dhow naga fisha)
 

Mudugnet, Gaalkacyo, Jimce, 3da September, 2010

 

Dhawaan Waxaa Madaxweynaha Galmudug Col. Maxe’d Axmed Caalin Magacaabay Madaxa la dagaalanka Burcad Badeeda Deegaanada Galmudug kaasi oo loo Magacaabay Mas’uulka ah Tahliil Muuse Caraysane Waxaana kadib Tahliil uu Guda Galay Hawshiisa Shaqo oo ay ugu horayso dhismaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug State

 

Mudane Tahliil oo qayb ka ahaa Wafdi uu Hogaminayay Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Kahayraadka Badda & Dekadaha Galmudug Max’ed Cali Warsame Waxa uu Saxaafadda Usoo ban dhigay Cutubkii ugu horeeyay ee Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug State kuwaasi oo dhoolo tus ku Sameeyay Xeebta Magaalda Hobyo

 

Ciidamada oo tiradooda ay gaarayso ku dhawaad laba Boqol oo Askari oo ku labisan Dhar tuute  u gaar ah  waxaa qayb ka mid ah oo ku sugan Hobyo la hadlay Mudane Tahliil Madaxa La dagaalanka Burcad Baddeeda & Wasiirka Kaluumaysiga Max’ed Cali Warsame Waxayna  ku dhiiri Galiyeen inay u istaagan Hawshooda Shaqo oo noqonaysa ilaalada Xeebaha Galmudug ayna ugu horayso in dhalinyrada ka mid ah Kooxaha Buracad badeda ah  Mas’uliyinta Galmudug ay u samaynayaan  dhaqan Celin iyo in  Ciidmada ay u istaagan ilaalinta Xeebaha Galmudug iyagoo ka hor tagya Ciddii isku dayda in qaab  Buracad Badeednimo ugalaan Badda waxaana Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Mudane Max’d Cali Warsame uu sheegay in Qorshaha la dagaalanka  Buracad Babdeeda uu yahay mid ay qayb ka noqn Doonaan  Galmudug State ayna diyaar uyihiin in ay Dawladaha Arimahaasi kus Shaqada leh kala kaasahdaaan waa uu Tilmaamay Wasiirka inuu aad ugu farxsan yahay Ciidamada bilicda qurxoon oo ku hubaysan Gaddiidaka Dagaalka iyo quryaha Fud fudd intaba

 

 Madaxa la Dagalanak Buracad Badeeda Tahliil Muuse oo isna Munaasabdda soo badnhiga Ciidamada ka hadlay waxa uu sheegay inay tahay wax lagu farxo in qaybtii ugu horyays ee Ciidamada ay dhoolo tus ku Sameeyan Xeebta Hobyo ayna Socoto Balaarinta Ciidama oo Xeebaha Galmuudg oo dhan la Gaynayo Sida uu uusheegay

 

Taliyaha KMG ah ee Ciidmada ilaalada Xeebaha Galmudug Col. Axmed Cismaan Kaahiye oo isna dhinac taagnaa Cidamda hadalo uu jeediyay waxay uu balan qaaday in shaqda loo igmaday sida ay tahay ay fulinayaan isla Markaana  waxa uu Ku booriyay Mas’uliyiinta Galmudug oo Madaxweynaha ugu horeeyo inay wax badan ka qabtaan Arinta ilaalada Xeebaha oo uu sheegay in xitaa ay kala dagaalamyaan Marakiibta Shisheeye ee dhibaatada ku haya Kaluumaysatda bur bur Xoogana u gaystay Hanti badan oo ay la haayeen waxa uu digniin udiray marakiibtaasi inaysan  ku soo xad Gudbin Xeebaha Galmudug State  “Dawladaha lehna waa in ay kala Baxaan Xeebaheena Anaga ayaa ilaal Sanayna “Ayuu Yiri Col Axmed Cismaan Kaahiye Taliayah KMG ah ee Ciidmada ilaalada Xeebaha Galmudug State Somliya

 

Samaynta Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug oo ay tahay markii ugu horaysay ee Maamulka Galmudug uu dhiso waxay ku soo beegmaysaa Xili Kooxaha Buracad Badeednimada ku shaqaysta ay ku ka jiraan Qaar ka tirsan Xeebaha Galmudug iyadoona Markab laga leehay Koofur kuuriya oo sida Saliid Cayriin aynA saaranyihiin yihiin 24 Shaqaale  Xiligaan ay Dhalinyro Buracad Badeed ah Ku haystaan Meel umuuqata Xeebta  Magaalada Hobyo  

 

 

Fiiro Gaar ah: Warbixinta & Sawirada Waxay Gaar u tahay Warbaahinta Mudugnet.com iyo Wariye Cabdalle M.C/lle Cid kale Ma qaadan karto Ogalaanasho La’aan

 

 

 Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

Galmudug State SOMalia

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com