Sawirada dib ayaan ka soo galin
doonaa hadii Ilaah noo saamaxo
Horumarka ugu weyn Sanadkan 2010
ka ee Degaanada Galmudug waa
Hirgalinta jaamacadda ( Mudug
University ) maqaal : by
Maxamed C/lahi Cali
Laga soo
bilaabo Sanadii 2000 waxaa soo
if baxay horumar dhinacyo badan
leh haba ugu muhiimsanaatee
dhinacyada dhanka waxbarashada,
Ganacsiga, Caafimaadka iyo
qeybaha kale ee laf dhabarta u
ah Adeega bulshada.
Wixii ka
danbeeyay Sanadkii 2006 waxaa
hirgalay waxbarashada Dugsiyada
Sare iyadoona laga hirgaliyay
Dugsiga sare ee S.Y.L oo ah
dugsiga ay kasoo bexeen inta
badan dhalinta dhamaysatay
waxbarashada dugsiyada sare,
iyadoona ay gaartay tirada
Ardada ka qalinjabisay sanadkan
oo kali ah 55 arday.
Hadaba
sanadkan aynu ku guda jirno ee
2010 ka waxay bulshada reer
Galmudug indhaha ku kala qaadeen
hirgalinta jaamacada (Mudug
University) oo laga hirgaliyay
Xarunta Galmudug ee Gaalkacyo.
Mudug
University, oo ah jaamacadii ugu
horaysay ee laga hirgaliyo Guud
ahaan Gobalada dhexe Gaar ahaan
Galmudug, waxaa siweyn u soo
dhaweeyay inta badan shacabka
reer Galmudug gaar ahaan bahda
waxbarasha.
Xog waraysi
aan la yeeshay qaar mid ah
howlwadenada gudaha ee
jaamacadda (Mudug University),
waxa ay ii sheegeen in ay
jaamacadaani soo abaabuleen in
kabadan 50 aqoon yahan kuwaasi
oo ku kala sugan dacalada
aduunka.
Qofkasta oo u
baahda faah faahin dheeraad ah
oo ku aadan warbixinada la
xariira Jaamacada Mudug waxaa u
suurta gal ah in uu booqdo
wabsedka jaamacada oo ah
Ugu
danbayntii Mudug University,
waxay noqotay horumakii ugu
horeeyay ee dhanka waxbarashada
sare kaas oo ka hirgala Dawlad
Galmudug, waxaana looga fadhiyaa
dhamaan dadka daneeya horumarka
Galmudug, in ay taageero dhan
kasta ah la garab istaagaan
dadaalka loogu jiro in la helo
taclin sare.
Maxamed Cabdullaahi Cali
E.mail: amiin4me@hotmail.com
Galkacyo-Galmudug state of
somalia
Kulan si weyn loo soo agaasimay
islamarkaana ay soo qaban
qaabiyeen howlwadeenada jamacada
(Mudug University), qaybta
ardayda iyo wacyigalinta
bulshada ayaa ka dhacay hoolka
shirarka machadka Al. xikmah ee
magaalada Gaalkacyo.
Isku
imaatinkaan oo ay ka soo
qaybgaleen xubno faro badan oo
katirsan ardayda Galmudug gaar
ahaan ardayda kabaxday dugsiyada
sare ee aan fursada u helin in
ay helaan waxbarashada heerka
jaamacadeed.
Mr,
Muuse Cali Salaad oo kamid ah
howlwadeenada dalka gudihiisa ee
jaamacada (Mudug University),
ayaa u sheegay ka
sooqaygalayaasha in dadaal dheer
kadib oo aysameeyeen
aqoonyahanada reer Galmudug ee
dalka iyo dibadda ay suurta
gashay in lahirgaliyo Mudug
University, oo naqondoonta
jaamacadii ugu horaysay ee
daboosha baahida waxbarashada
heer jaamacadeed ee ka jrta
Galmudug state.
Axmed kheyr
M. Maxamuud oo katirsanaa
ardaydii ka qaybgashay kulankan
ayaa sheegay in ay aad ugu
faraxsan yihiin furitaanka
jamacada (Mudug University) iyo
sidoo kale kuliyadaha aadka u
muhimka ah ee loo soo bandhigay
shacabka u oomanaa aqoonta
heerka jaamacadeed.
In kabadan 60
arday oo kamid ahaa ardadii ka
qaybqaadatay kulankan ayaa
goobtii kaga dhawaaqday in ay
diyaar u yihiin in ay noqdaan
dufcadda ugu horaysa ee nasiibka
u yeelatay in ay waxkabarato
jaamacada (Mudug University) ee
magaalada Gaalkacyo.
Mudug
University oo xarunteedu ku taal
dhinaca waqooyi ee Hotel Embassy
ayaa noqotay hadalhaynta ugu
balaaran ee dadweynaha ku nool
magaalada Gaalkacyo.
Ugu
danbayntii kulankan ay wada
yeesheen ardayda Galmudug iyo
jaamacadda Mudug, ayaa ku soo
gabangaboobay sidii
loogu talagalay.
Maxamed C/lahi
Cali
E.mail: amiin4me@hotmail.com
Galkacyo-Galmudug
state of somalia
Dastuurka
Cusub ee Soomaaliya oo lagu Soo
Bandhigay Galmudug State
Daawo Sawirada
Munaasabad
aad ubalaaran oo lagu Soo
Bandhigay Dastuurka Qabyada ah
oo laga doodayo Si loogu Sameeyo
dalka Soomalaiya ayaa Lagu
qabatay Hotelka Embassy
Magaalada Galakcyo ee Galmudug
State
Guddiga
Madaxa Banaan ee Dastuurka
Federaalka Soomaaliya oo xubno
ka socday ay ku Sagan yihiin
Galmudug ayaa kasoo qayb Galay
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka
soo qayb Galay Golayaasha
Baralamank iyo Wsiirada Dawladda
Galmudug Madaxweynaha ku
Xigeenka, Gudoomiyaha Gobolka
iyo Qaybsha kala duwan ee
Bulshada Galmudug State
Waxaa ugu
Horayn Munaasabadda ka hdlay
Abukaate Cumar Sheekh Cali
Cosoblle oo Guddig Madaxa Banaan
ee Dastuurka Hogaaminaya kuwaa
oo dhawaan ka yimid Wadanka
Jabuuti waxa uuna sheegay in
Dastuurka uu yahay mid ay aqoon
yahano in badan u fdhiyeen
jabuuti lana danooyo in loo
Sameeyo Wadanka Soomaaliya isla
Markana laga Doodayo Sidoo
kalana uu yahay dastuurka mid ku
qotoma Shareecada islaamka&
Dhaqanka Suuban
Waxaa Sidoo
kale Munaasabadda oo Koobnayd
Hadalo Aragatiyada Dastuurka ah
ka Soo Jeediyay Mas’uliyiin ay
ka mid yihiin:
Waxaana
Mas’uliyiinta ay soo dhaweeyeen
dastuurka Cuusb ee loo Samaynayo
Somliya iyagoo Xusay in ay si
weyn uga doodayaan oo ay soo
aqrinayaan Qoraalka Dastuurka oo
loo Qaybiyay ka soo qayb
Galyaasha Munaasabadda ka
dhacday Magaalada Galkacyo ee
Galmudug State