Sabti, 21ka Agoosto, 2010

Last Updated @ 12:00 pm North American Eastern Standard Time


Golaha Baarlamaanka Galmudug State oo Kulan la qaatay Wafdigii Galmudug ee Xamar ka yimid dhawaan.

 

Daawo Sawirada

 

Wadigii Galmudug ee dhawaan Galkacyo ku soo laabtay e Mudada bisha ahna ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Kulan waxay wada yeesheen Golaha Baarlamnka Dawlad Goboleedka Galmudug Kulanka oo ka dhacay Hotelka Embassy ayaa ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen waxaana Gunaanadka Kulanka Saxaafadda warxbin Siiyay Madaxweyne Ku xigeenka Dawalad Goboleedka Galmudug Md. Cadbisamad Nuur Guuleed oo yiri:

 

" Maanta fadhiga waxa uu ku saabsanaa wafdigii bil ka hor aaday magaalada Xamar waxaana maanta Soo hor fariisanay Golaha Baarlamaanka si aan u siino wixii aan kala kulanay magaalada Muqdisho oo aan Casumaad ka helay Dawladda Fadaralka ah run ahanatii waxaan dhamaan Barlamaanka uga warannay kulamadii ka dhacay Muqdisho oo aan la yeelanay Madaxda Dawladda Soomaaliya Sida Madaxweyanha iyo Raisal Wasaaraha iyo sidoo kale Safaarado iyo Hay’ado Caalami ah.


kulanka Baarlamanka aan la yeelnay maanta waxa uu u badnaa Warbixinta aan Wadnay si wanagsan ayayna noo dhagaysteen waana is fahamnay Anaga iyo Baarlamanka maadaama Mudo Bil ah aanu maqnayn iyaguna waxay noo soo Gudbiyeen wixii ay qabteen iyo Meesha ay marayso shaqada Barlamaanka Dawlad Goboleedka Galmuudg State ".

 

Kdib hadalka Madaxweyne ku Xigeenka waxaa isna Sxaafadda la hadlay Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamka Galmudug Cawke Xaaji C/raxmaan oo yiri “Maanta waxaan Baarlamaan ahaan la kulanay Wafdigii Galmudug ee dib uga soo laabtay Safarkii   Muqdisho Warbixin ayaanu ka dhagaysanay Mas’uliyiinta aad ayana uga Mahad Celinay Warbxintooda iyo wixii ay soo qabateen waxaan isku afgaranay Baralamka iyo Xumkuumadda Madaxweynaha Hogaaminyo in Wax qabadkeenii mar labaad aan laba jibaarno oo la dar dar galiyo Shaqdii Waxyaabo Cusub ee soo kordhayna dhamaan waan isku afgaranay Mas’uliyinta Dawlad Goboleedka Galmudug State.

 


 

Golaha Guurtida & Dhaqanka Galmudug iyo Wafdigii  Galmudug ee Xamar ka yimid oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Galkacyo ee Galmuudg State

 

Daawo Sawirada

 

Kulan Xasaasi ah oo Socday Mudo Sacaado ah ayaa Maata Hotelka Embassy ee Magaalada Galkacyo waxaa ku wada yeeshay Wafdigii Dhawaan kasoo labaatay Safarkii xamar ay ku tageen iyoGolaha Guurtida & Odayaasha dhaqanka Dawlad Goboleedka Galmudug State

 

Kulanka oo Saxaaafadda dibbada ka joogtay Gunaanadkiisii waxaa ka warbixiyay Wasiir Ku Xigeenka Ahna Afhayeenka Dawladda Axmed Max’ud Xasan Baasto.”Waxaa Maanta Kulan aad ubalaaran uu ka dhacay Hotelka Embassy kulankaas oo dhex maray Wafdigii ka yimid Magaalo Madaxda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo uu horkacayay Madaxwene ku xigeenka Dawlad Goboleedka Galmudug State Mudane Cabdi Samd Nur Guuleed ayna ku wehliyeen Safarka Wasiirka Maaliyadda C/laahi Jaamac dhoore &Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Axmed Baasto Waxay la kulmeen Odayaashii Waxgaradkii,Golaha Dhaqanka Dawlad Goboleedka Galmudug State oo ka kooban Gudoomiyihii,Gudoomiye Kuxigeenkii, Xoghayihii, Afhayeenkii, iyo Cuqaashii Golaha ka tirsnayd waxaana looga hadlay warbxintii dheerayd ee ku Saabsanayd Safarkii Muqdisha waxayna Wafdiga ay soo bandhigeen Hor umarkii Safarkaas,Guulihii Galmudug iyo Quruxdii Madaxda Dawladda Somaaliya ay uso dhaweeyeen uuna horuud ka ahaa Madaxweynahs Soomaaliya Shekh Shariif Raisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo dhamaan Golihiisa Wasiirada oo balan qaaday inay dhanka Hor’umarinta kala shaqaynayaan Madaxda Iyo Shacbiga Galmuudug State .

 

Warbixinta aan ka keenay Xamar oo aan hor dhignay dhamaan Golayaasha Galmudug Sida Baarlamaaka, Wasiirada Ugu danbayntiina Golaha Odayaasha dhaqanka waxay si wanagsan u soo dhaweeyeen kulmadii xamar iyo Guulihii ka soo baxay waxay u mahad Celiyeen Madaxda Dawladda Fedaraalka ah  Kulanka waxa uu ku dhamaaday is afgarad iyo Guulo wax ku ool ah Aaad ayaad u mahadsan yihiin Saxaafadda ka soo qayb Gashay kulankaan oo sida qiimiga iyo dar darta leh ugu hawlan Horumarka Galmudug  waan idinku amaanaynaa Sida aad u Gudanaysaan Waajibaadkiina Shaqo.Waadana Mahadsan tihiin” ayuu yiri Axmed Baasto Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Ahna Afhayeenka Galmudug State Soomaaliya.

 


Shaqaaqo kooban oo laba koox burcad ah oo koox ka mid ay ilaaloo Uyihiin  Wafdi Cadaan ah, Kooxda kalena markab afduub ug xiran yahay Hobyo ku dhex Martay Xeebta Magaalada Hobyo.

 

Wararka Naga Soo Gaaraya Magaalada Hobyo Gobolka Hobyo ee Galmudug State ayaa Sheegaya in Galabta Shaqaaqo kooban oo is Rasaasayn ah ka dhacay Xeebta Magaalada Hobyo Taasi oo u dhxaysa kooxo Burcad Badeed ah oo qaarkood ay Galbinayaan Wafdi Cadaan ah oo Gaaray Hobyo kuwa kalana ay yihiin dhalin yaro dhawaan markab ay ku Haysteen Garacad u soo wareejiyay Hobyo

 

Wararka waxay intaasi ku darayaan in isrsaasaynta ay timid kadib markii Wafdiga Cadaanka ah oo ay Galbinayaan Ciidamo iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Burcad badeeda ay tageen Xeebta Magaalada Hobyo oo ay ku xiran yihiin labo markab waxaan kadib halakasi Gaaray dhalinro hubasyan oo Buracad badeeda ka tirsan waxaanna labada dhinc ay is weydaarsdeen rasaas Mudo kooban soctay oo Sida la sheegayo uu dhaawac fudud ka soo gaaray mid ka mid ah Burcad badeda Markabka ugu xiran yahay hobyo

 

Dhacdada Galabta ka dhacday Hobyo waxaa Mudugnet.com uxaqiijiyay qaar ka tirsan Saraakiisha Hogaaminaysa Wafdiga Cadaanka ah iyo Sidoo kale dadka Deegaanka Hobyo oo aan la xariirnay waxaana sidoo kale naloo sheegay in ay jiraan Gawaari ay leeyihiin buracad bdeeda oo qasaare soo gaaray kadib markii ay ku dheceen xabdihii la is weydaarsanyay

 

In kasta oo aan si dhab ah loo xaqiijin Karin waxa keenay  israsaasaynta ayaa hadana ilo madax banan waxay sheegayaan in dhalinyarada Garacad kala timid markabka ay ka Caroodeen Wafdiga Cadaanka ah ee la geeyay Xeebta Hobyo oo ay hor kacayaan rag kale oo qaarkood markabka Saliida Sida ee Koofur Kuuriya ugu Xiranyahay Xeebta Magaalada Hobyo

 

Wararkii ugu danbeeyay ee aan Deeganka ka helayno waxay sheegayan in Xaaladda hadda ay degan tahay oo ay kala dhex Galeen wax Garadka Deegaanka isla markaaana wafdigii Cadanaka ahaa ay ka soo baxeen Hobyo iyagoo ku soo jeeda Magaalada Galkacyo.

 


Kulan Looga Hadlay Hor’umarinta Xirfadda Shaqo ee Dhalinyarada Galmudug oo lagu Qabaay Xarunta Ha’adda Mudug  Paece ee Galkacyo

 

Daawo Sawirada

 

Kulanka oo ay Soo qaban Qaabiyeen Mas’uliyinata Hay’adda Mudug Paece &Human Devolopment MPHDO ayaa laguna  qabtay Xarunta Hay’addaas Magaalada Galkacyo ee Galmuudg State  waxaa ka soo qayb Galay Mas’suliyin Ka soctoay Golaha Wasiirada Dawalad Goboleedka Galmudug Culimo udiinka,  Mas’uliyinta Hay’adaha Maxaliga ah, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Dawlad Goboleedka Galmudug State Soomaaliya

 

Waxaan Kulanka oo ujeedkiisa ahaa Hor’umarinta Xirfadda Shaqo Dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug State waxaana la isku waydaarsaday Fikrado kala duwan oo qof waliba uu ku qeexayay sida Arintaasi lagu Hormarin karo waxaa sidoo kale qodobada kulanka intuu uu socday laga dooday ka mid ahaa Sidee Dhalinyarada Deegaanka Galmudug Shaqo loogu Heli Karaa?  Iyo waliba Waaa maxay Baahida Shaqo ama Shaqooyin ee Deegaanka ku yar si loo Sameeyo Shaqo Abuuris?

 

Dhamaan Qodobadaasi iyo kuwo kale  oo si wanagsan loo falan qeeyay waxaa la qeexay oo la taabtay Arimo badan inay muhim yihiin Deegnkagana lagu Sameeyo oo ay dhalinyadra Shaqooyin ka helayaan Mustaqbalka   Sida Barashada Cumputer-ka, Caafimaadka, Harqaanka dharka, Kaluumaysiga, Makaanikada Baabuurta, IWM.

 

Sidoo kale Mas’uliyintii Kulanka ka hadashay qaarkood waxay carabka ku dhufteen inay Muhim tahay beeraha tacabshdooda in deegaanka laga  Sameeyo iyo Bacriminta Xoolaha waxaan ay Mas’uliynta sheegn in deegnka Galmuudg yahay meel barwaaqo ah oo Mashaariicdaas laga hirgalin karo dhalinyradadna ay ka shaqaysan karaan

 

Mas’uliyinta Hay’adda Mudug Peace ee kulanka qabatay oo Xogta Aruurinayay waxay sheegn inay kulanka qodabdiisa ay dib u eegayaan ayna Musataqbalka dhaw furayaan Xarun Hor’umarinta Xirfadda Shaqo ee Dhalinyarada deegaanka Galmudug  ku Shaqo leh ayna ku rajo weyn yihiin in ay si wanasgan u Hirgasho.
 

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

Galmudug State SOMalia

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com