Cali Diiriye
Aloore oo dhawaan Cabdi Shujri
Cali Xirsi U magcaabay
Gudoomiyaha Amniga Xoogaga Ahlu
Sunna Bad-baadada Qaranka ee
Gobolka Mudug oo Galabta Waraysi
siiyay Qaar ka tirsan
Warbaahinta Gobolka Mudug Waxa
uu kaga hadlay Xaaladda Amaan ee
Magaalada oo uu sheegay inay
tahay mid kasii daraysa kadib
markii ay ku soo bateen kooxo uu
ku sheegay inay Nabadda Gobolka
Carqaladaynayaan
Waxa uu Cali
Diiriye xusay in Ciidadama Ahlu
Suna ee Gudoomiyaha Amniga u
yahay laga bilabo Caawa 7:00 da
fiidnimo ilaa 6:00da Aroornimo
ay wadanyaan Roondo ay ku
sugayaan Amaanka Xaafadaha iyo
wadooyinka Magaalada Galkacyo oo
uu ka dayriyay Xaaladdeeda
Amaanka Habeenidii ugu danbeeyay
waxa uu sheegay inay il Gaar ah
ugu eegi doonaan Gawaardida
xiliyada danbe socda ee ay
wataan kooxaha buracad badeeda
oo uu ku eedeeyay inay Amni
darida qayb weyn ku leeyihiin
“Magaalada
waxaan ku soo fasaxaynaa Ciidamo
aad u badan waxay Sugayaan
Amaanka Guud ee Xaafadaha &
Wadooyinka waxay ka shaqaynayaan
Nabadgalyada dadku waa iney la
shaqeeyaan Ciidamada markii la
gaaro Afarta fiidnimo lama
Ogolaanayo Gaari socda Magaalada
dhexdeeda marka laga reebo kuwa
lagama maar maanka u ah bulshada
waxaan digniin ujeedinaynaa
Kooxaha Burcad badeeda ee
Gawaarida xiliyada danbe ku dhex
wata Magaalada qamrigana
isticmaala waxaan u sheegaynaa
in talaabo culus laga qaadayo
Sidoo kale Cidii lagu Qabto Hub
& Qamri waxaa lala tiigsanayaa
Shareecada Muxamadiyada” Ayuu
yiri Cali Diiriye Aloore. oo
intaasi raaciyay inay Socon
doonaan roondooyinka xiliyada
habeenkii ah ilaa laga xaqiijiyo
Nabad Galyo buuxda.
Cali Diiriye
oo wax laga waydiiyay in
hawlglada ay wax ka Ogyihiin
Saraakiisha Ciidamda Galmudug
waxa uu kaga jawaabay “Anaga
waxana ka shaqaynaynaa Amaanka
dadkeena iyo dalkeen Mas’uulka
ugu Sareeya Ciidamada Galmudug
waa Max’d Nuur Cali Gadaaar
waxaana nahay isku Mawqif
Nabadduna waxay noo tahay dan
adeer.
Kadib hadalka
Cali Diiriye Aloore waxaa
wadooyinka iyo Xaafadha
Magaalada Galkacyo Cawa lagu
arkayay Ciidamo aad u badan oo
ku labisan tuutaha kana Amar
qaataha Ahlu sunada uu
Gudoomiyaha ka yahay Cabdi
Shukri isla markaana si
foojigan roondo u samayanya
waxayna talaabooyinka ugu
horeeyay ay wax ka qabteen caawa
ahaayeen Waxyaabaha Baaruuda ah
ee ay ku Ciyaaran Caruurta oo ay
ka aruuriyeen. Taas oo dhibaato
ku qabaan dadweynaha Magaalada
Galkacyo.