40 arday ayaa shahaadada dugsiga dhexe lagu gudoonsiiyay xaflad Qalin jabin ka dhacday hoolka Dugsiga Hoose/Dhexe ee  Bader.

 

Gaalkacyo, GalMudug, Axad, 25ka September, 2011.

 

Ardaydaan oo ku dhammaystiratay waxbarashada aas aasiga ah dugsiga hoose dhexe ee Bader, oo sanaddii 11aad si habsami leh uga dhex shaqaynaya, deegaannada Galmudug State, ayaa xafladda ay shahaadada ku qaadanayeen waxaa ka soo qayb galay, masuuliyiin ka socotay wasaaradda arimaha gudaha iyo midda waxbarashada ee dawladda Galmudug.

Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa ugu horayntii khudbado Carabi iyo English lagu aqrinayay iyo suugaan ay ku muujinayeen aqoontooda, waxaa ka soo jeediyay, ardada qalin jabinaysay iyo kuwa wali dhigta dugsiga ayadoona halkaas shahaadada ka hor lagu bixiyay abaalmarinno la siiyay ardada qaar ka mid ah.

Sidoo kale waxaa khubad kooban uga faalooday hawlaha iyo heerarka waxbarasho ee Bader Maamuha dugsiga, Dr. Jaamac iidle Cabdi, asagoo sheegay in dugsigu soo maray heerar kala duwan, ayna suuragaliyeen in uu heerkaan soo gaaro, dad mutadawiciin ah, oo uu ka magacaabay, Sciid Guuleed, Sh.Muxyidiin Sh.Yuusuf Barre iyo Dr.Muse Cali Salaad, waxa uu sidoo kale sheegay maamuluhu, in dugsiga ay hadda gacanta ku hayaan ururka wacyigalinta iyo hourumarinta waxbarashada ee Ixsaan.

Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay, daaciga deegaamada Galmudug Sh.Muxyidin Sh.Yusuf Barre, oo ah iskudubaridaha hawlaha ururka Ixsaan, waxa uuna sheega in ururkoodu gacanta ku hayo 12 dugsi Qur’aan, 4 dugsi H/DH iyo hal dugsi sare oo ay is ka kaashadaan ururka SOSDA, shiikhu waxa uu intaasi raaciyay in ardada ay hadda hayaan, oo kudhaw 1000 arday, ay ku jiraan guryo  kiro ah oo aan ahay deegaan waxbarasho loogu talagalay, ayna u baahan yihiin dhismayaal wax barasho, asagoo sheegay in ay u heli karaan dhulkii looga dhisi lahaa haddii la helo cid caawisa.

Ugu danbayntii xafladda oo ay dad waalidiin iyo ganacsato isugu jiraa kahadlee, waxaa soo gabangabeeyay, Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug Mr. Cali Mocalim Saciid iyo ku xigeenka wasiirka arimaha gudaha iyo amniga mudane Axma(Baasto)   Axmad-baasto ayaa u mahadceliyay maamulka dugsiga iyo ururka Ixsaan asagoo sheegay in ay Galmudug ku faanayso waxqabadka ururka Ixsaan iyo gaar ahaan sh.Muxyidiin sh.Yusuf oo mudan in la sameeyo meel taariikhi ah oo loogu magacdaro shiikha, baasto ayaa waxa uu warkiisa ku soo gaban gabeeyay, in uu ka codsanayo dawladda Galmug dadkeeda gudaha jooga iyo ku dibadda jiraba, in ay dhulka lahayo ka dhisaan dusi leh fasallo aan sida kuwaan kirada ah cariiri u ahayn oo ay ardada ku helayso hawo ku filan. 

By: Caydiid Max’ed Cali (Juba)



.