Banaanbax Ay Soo Abaabuleen Qaar ka tirsan Ardayda Wax ka Barata Magaalada Gaalkacyo oo Kadhacay Isla Gaalkacyo

 

Gaalkacyo, GalMudug, Sabti, 24ka September, 2011.


Iyadoo maalinimadii shalay uu kadhacay dugsiga hoose dhexe ee C/llaahi Ciise imtixan lagu kala saarayey araday deeqo wax barasho u adi lahaa dalka Turkiga kasi oo ay ka qayb Galeen kudhawaad kun araday oo isaga kala timid deeganada uu kakoobanyahay Galmudug ayaa waxa ay cabasho balaaran kasoo yeertay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Cabashada dadweynaha ayaa ku aadan in imtixanka ay intiisa badan ka qayb qaateen dad aan xaq u lahayn galitaankiisa islamarkaana xaqoodii ku soo qaatay goboladii ay katirsanaayeen taasi oo si gaara farta loogu goday dad ka yimid Punt
land oo aad u fara badnaa iyo masuuliyiintii arinta u xilsaarayd oo aan qiimayn dhab ah samaynin.

Hadaba banaanbaxa oo ay intiisa badan horkacayeen arday ayaa gabi ahaanba qabsaday gudaha magaalada Galkacyo taasi oo keentay in hal qof uu ku dhawacmo banaanbaxaas.

Banaan baxa ayaa waxaa gundhigiisu ahaa eedayn loo soo jeedinayo wasaarada waxbarashada ee Galmudug oo la sheegay in aanay sidii loo baahnaa wax u qaban isla markaana kala shandhaynin sida loo kala xaq leeyahay

Dadweynihii banaanbaxaasi ka qayb qaadanayey ayaa markii u dambaysay isugu yimid hoyga uu madaxweynuhu ka daganyahay xarunta Gaalkacyo halkaasi oo ay qashin iyo walxa kale ku gubeen islamarkaana ciidamada ilaaladu ay isku dayeen in ay kala cayriyaan taasi oo keentay dhawaca halka qof.

Imtixaanka la qaadayey aya isagu ah deeq waxbarasho oo ay dawlada Turkigu ugu deeqday bulshada Soomaaliyeed tana ay ka qayb ahayd isla markaana imtixaankii kala reebistu uu dhacay shalay galinkii hore.

Bananbaxayaasha ayaa markii dambe waxaa u soo baxay Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa markii dambe la hadlay Ardaydii Dibad baxayaasha ahaa isagoo sheegay in arinta la qaboojiyo isla markaana baaritaan lagu samayn doono sida ay wax u dhahaceen taasoo Markii dambe ay Aqbaleen, Ardaydii iyo Dadwaynihii ka Qayb Qaadanayay Banaanbaxa ayaa Aqbalay Hadalka Generaalka iyagoo isaga Huleelay Hakaas.

Fu'aad Xasan Caaqil(sanyuura)
sanyuuraf@hotmail.com
mudugnet.com Galkacyo Galmudug Soomaaliya

 

 



.