Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, oo Maanta Soo Garay Xarunta Galmudug ee Galkacyo

Daawo Sawirada

Gaalkacyo, GalMudug, Khamiis 15ka September, 2011.



Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha, Sareeye Gaas Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, Ayadoona halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, oo ay ka mid ahaayeen, Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Maxamud Xasan Baasto, Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug Maxamud Guure Guuleed, Gudoomiyaha Gobolka Hobyo Cali Ducaale, Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada kala duwan, Ururada Bulshada Rayidka sida Odayaasha, Haweenka, iyo Dhalinyarada maamul goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Soo dhaweynta Gen Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa ka qeyb qaatay, Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, oo uu ka mid yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland Siciid Dheere, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Puntland Axmed Cali Salaad faarax iyo Masuuliyiin kale.

Gen Cabdi Qaybdiid ayaa loo soo galbiyay Hotelka Calamiga ah ee Embassy ee Magaalada Gaalkacyo, Asagoona halkaasi kula hadlay dhamaan dadkii soo dhaweeyay, waxa uuna ugu horayn u mahad celiyay intii ka qayb qaadatay soo dhawayntiisa, Cabdi Qaybdiid ayaa carabka ku dhuftay in Galmudug is badal laga doonayo, islamarkaana hadalka intii badnayd ka gaabsaday, waxa uuna ku soo gaba gabeeyay dib ayaa iska warsan doonaa.

Imaanshaha Gen Cabdi Xasan Cawaale ayaan la ogayn wuxuu salka ku hayo hase yeeshee waxaa la xasuustaa in horay magaalada Gaalkacyo u yimid Asaga oo ah Gacansiiye Galmudug, islamarkaana sidoo kale dhex dhexaadin ka sameynayay Colaado xiligaasi ka jiray Gobolka Mudug, waxaase dadku is weydinayaan socodaalka Gen Cabdi qaybdiid xiligaan

Mudugnet.com Galkacyo Galmudug Soomaaliya

 


 



.