Gudoomiyahii Hore ee gobolka Mudug oo xilkii ku Wareejiyey Gudoomiyaha Cusub Mudane Maxamuud Guure Guuleed

 

Gaalkacyo, GalMudug, Khamiis 15ka September, 2011.
 


Iyadoo madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug uu kala diray 26kii June ee sanadkan dhamaan golahiisii xukuumada iyo gudoomiye yaashii Gobolada Hobyo iyo Mudug ayaa todobaadadii la soo dhaafay waxa ay ahayd todobaadyo la soo magacaabayey xubno cusub oo badal kuwii hore .
Hadaba iyadoo uu kamid ahaa gudoomiyahii hore ee Gobolka mudug Iimaan Xasan Jiirow islamarkaana lasoo magacaabay gudoomiye cusub ayaa maanta hotela Caalamiga ah ee Embassy waxaa xilka gudoomiye nimada kula kala wareegay gudoomiyahii hore Iiman Xasan Jiiraw iyo gudoomiyaha Cusub Maxamud Guure Guuleed.



Munaasabadan oo siwayn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan maamulka Galmudug oo uu hor kacayey Madaxweyne ku xigeenka Mudane C/samad nuur guuleed Wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha Axmaed Maxamuud Xasan Baasto iyo masuuliyiin kale qaybaha bulshada.

waxaana khudbooyin halkaasi laga jeediyey amaan balaadhan loogu soo gudbiyey Imaan xasan Jiirow oo isagu mudo ka soo shaqeeyey Galmudug Aasaasa yaashiina kamid ahaa islamarkaana ay ka go,antahay in Galmudug ay noqoto aasaaska iyo saldhiga Soomaaliya guud ahaan.



Waxaa isna dhinaciisa kahadlay waxaa looga fadhiyo gudoomiyaha cusub lagana doonayo in uu dhamaystiro wixii qabyo ka ahaa gudoomiyahii hore Wasiirku xigeenka arimaha gudaha Mudane Baasto oo tilmaamay in waxa ugu horeeya ee loga baahanyahay gudoomiyaha cusub uu yahay waxka qabashada Amniga oo ah nolosha ugu horaysa ee qof kasta oo aadami ah.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku kahadlay arimaha dadka soo barakacay oo uu sheegay in galmudug ay tahay hoyga qofkasta oo soomaali ah islamarkaana uu suu rabo ugu shaqaysan karo isagoo ayna cidi ka xigtaysanaynin.
 


Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug mudane C/samad Nuur Guuleed oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa isagu tilmaamay in dhamaan bulshada reer Galmudug iyo barakacayaashoodaba looga baahanyahay daris wanaag iyo nabadoo si wadajir ah looga shaqeeyo.
Sidoo kale waxa uu umahad celiyey gudoomiyaha xilka katagaya kuna tilmaamay inuu ahaa aasaaski galmudug ka hor ninku mintiday in lahelo maamul ugooniya dadkii halkan ku noolaa taasi oo aakhirkii keentay aasaaska Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee xaflada ayaa ku soo dhamaatay jawi farxad iyo rayn rayni ku dheehantahay.

mudugnet.com Galkacyo Galmudug Soomaaliya

 



.