Waxaa ka dhacay maanta magaalada Galkacyo ee xarunta maamul goboleedka Galmudug banaan bax lagu taageerayo shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.
Banaan baxan ayaa waxaa soo abaabulay masuuliyiinta maamulka Gobolka Mudug oo ay u jeedadiisu ahayd sidii taageero balaaran loogu muujin lahaa karaali ahaanshaha go,aamadii ka soo baxay kulankaas.
Qaybaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo oo ay kamid ahaayeen ururada Haweenka kuwa dhalin yarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay horkacayaan qar katirsan masuuliyiinta maamulka galmudug ayaa saaka waxa lagu qabtay garoonka cayaaraha ee C/Laahi Ciise kaasi oo khudbooyin kala duwan laga jeediyey oo inta badan diirada lagu saarayey sida ay u taageersan yihiin waxii kasoo baxay kulanka wada tashiga Muqdisho.
Madaxdii ka hadashay waxaa kamid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Galmudug mudane CabdiSamad Nuur Guuleed oo isagu ku dheeraaday taageerada shirka iyo talaabooyinka horumarka leh ee ay qaaday Galmudug mudadii koobnayd ee ay jirtay.

Mar uu Madaxweyne ku xigeenku kahadlayey dhinaca nabadgalyada waxa uu sheegay in Galmudug mudadii ay jirtay ay ku gaartay ilaalinta nabadgalyada hadii ay ahaan lahayd mida gudaha iyo tan dariska.
Waxaa kale oo uu Mudane CabdiSamad uu ka codsaday qaybihii ku dagaalamay Waqooyiga magaalada gaalkacyo in ay sinabada ku dhamaystaan si nabada daweynahana laga ilaaliyo barakaca iyo xabada aan soo kordhinayn waxaan ka ahayn dhimasho dhaawac iyo qax.
Waxaa kale oo halkaasi hadal dheer ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Axmed Maxamuud xasan Baasto oo isaguna dhinaciisa ku dheeraaday ilaalinta nabadgalyada iyo in shacabka reer Galmudug looga baahanyahay guda iyo dibadba in ay isku duubmaan islamarkaana ay ku garab istaagaan maamulka Galmudug wixii wax qabad ah ee ay wadaan.
Banaan baxan oo ay isugu yimaadeen kumanaan qof oo ka kala yimid daafaha magaalada ayaa ku soo dhamaaday jawi aad iyo aad u dagan.
Inkastoo banaanbaxani dhacay lagu taageerayo shirkii wadatashiga Muqdisho ayaa hadana dhinaca kale waxaa jira dad fara badan oo iyagu kulanka wadatishiga loogu magacdaray dhaliilo badan u jeedinaya kuna tilmaamay in ahaa mid aan waxba u soo kordhinaynin xaalada haatan ka taagan dalka Soomaaliya isla markaana aanu ahayn mid ay wataan dadka Soomaaliyeed balse uu yahay mid qaramada midoobay ay ka leeyihiin dana u gaar ah.
mudugnet.com Galkacyo Galmudug Soomaaliya