Dugsiga Sare ee Waabari oo Xariga laga jaray

 

Gaalkacyo, GalMudug State, Axad, 31 ka,  Luulyo, 2011.


 
Xaflad siwayn loo soo agaasimay oo lagu furayey dugsiga cusub ee Waabari sare ayaa lagu Qabtay magaalada Galkacyo ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.
 
 
Furitaanka dugsiga sare ee Waabari ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada marti sharaf lagu casuumay iyo masuuliyiin kale.
 
 
Waxaa halkaasi laga soo jeediyey khudbado kala duwan oo ku aadan wanaaga ay waxbarashadu u leedahay bulsho kasta oo meeldagan iyo dhibaatada jahligu u leeyahay bulshadaas.
 
Macalin Sahal Nuure Maxamuud maamulaha dugsiga Waabari ayaa isagu soo jeediyey khudbadii soo dhaweynta iyo mahad celinta dadweynihii ka soo qayb galay isagoo ka hadlay marxaladiihii kala duwanaa ee uu dugsigu soo maray intii uu furnaa.
 
Macalinka ayaa sheegay in mudo dheer ay u suurta gashay in ay furaan dugsuga sare ee Waabari isla markaana ay ku guulaysteen in uu si rasmi ah u furmo dugsigu waxaana uu tilmaamay in dugsigu aanu ku koobnayn dugsi aasaasi ah balse uul eeyahay waxa loo yaqaano waxbarashada dadban isla markaana ay ku fuliyaan noocyo farabadan oo loogu fududaynayo in da'yartu si dhakhso ah wax u bartaan.
 
 
Maamulaha dugsiga waabari ayaa hadalkiisa ku sii daray in ay kamid tahay adeegyada ay fuliyaan barashada kumbuyuutarka, caafimaadka iyo saxaafada.
 
 
Macalin Sahal waxa uu ka dhawaajiyey in xiligan xaalada Soomaaliya ay adagtahay ay diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo bara kacay guryahoodii sidii caruurtoodu waxbarasho u heli lahaayeen kuna garab istaagayaan wax kasta oo u fududaynaya in caruurtu waxbarasho hesho.
 
Iyadoo halkaasi kasoo qaygalayaashii ay khudbooyin kala duwan ka jeediyeen ayaa gabagabadii waxaa lagu soo dhaweeyey Pro.C/Qaadir Maxamed Shirwac oo ah madaxa Jaamacada Galkacyo (GU) waxaana uu ka warbixiyey qiimaha aqoontu u leedahay qofka aadamaha ah iyo sida loogaga baahan yahay dhalinyarada Soomaliyeed in ay u guntadaan sidii ay aqoon uga tagi lahaayeen.
 
Waxaa kale oo uu Pro.Shirwac ka dhawaajiyey in xiliga adag ee umada Soomaaliyeed ay ku jirto waxa kaliya ee ka badbaadin karaa uu yahay in wax la barto waxaana uu ugu baaqay masuuliyiinta iyo macalimiinta dugsiga Waabari in ay dulqaad badan u yeeshaan hawshan adag ee ay dhabarka u riteen.
 
 
Dhinaca kale waxaa xafladaasi furitanka dugsiga sare ee waabari barbar socday xaflad lagu gudoonsiinayo arday dhamaysatay barashada aqoonta kumbuyuutarka kuwaasi oo ahaa ardaydii ugu badnayd ee ka qalin jabisa dugsiga Waabari ma ahan markii ugu horaysay ee ay arday ka qalin jabiyaan dugsiga Waabari balse laba todobaad ka hor ayey ahayd markii ay arday dhamaysatay barashada saxaafada lagudoonsiiyey shahaadooyinkii.
 
 
Sikastaba ha ahaatee dugsiga waabari ayaa isagu gacmo furan ku soo dhaweynaya cid kasta oo ah Soomaali iyadoo aan loo eegaynin gobolka uu ka yimid diyaarna u yihiin in ay ka qayb qaataan horumarinta Galmudug.
 
 
Fu'aad Xasan Caaqil(sanyuura)
sanyuuraf@hotmail.com/sanyuraf@gmail.com
mudugnet.com Galkacyo Galmudug Soomaaliya
.