Arday ka soo jeeda Degaanada Galmudug waxna ka barta Amoud University - Somaliland iyo Dalka China, bartana Kuiliyada kala ah "Agriculture and Environment, Information Technology (IT), Education iyo Medicine" ayaa booqasho ku yimid Xafiiska iyo Xarumaha waxbarasho ee MPHDO, Ardayda waxaa soo dhaweeyay maamulka Ururka oo warbixin ka siiyay qaabka uu ururka u shaqeeyo qaasatan dhinaca waxbarashada ee ka socota xarumaha waxbarasho ee ururku maamulo waqti xaadirkaan oo gaaraya shan xarumood, Ardayduna waxay soo bandhigeen ujeedooyinka ay u yimaadeen degaanada ay ka soo jeedaan taas oo ay yiraahdeen inay doonayaan inay ay wax badan ka ogaadaan qaababka ay u shaqeeyaan Institutionada ka jira Galmudug, qaybaha waxbarashada, maamulka si ay gacan u siiyaan iyagoo ka soo codsaday jaamacadaha ay ka yimaadeen inay ku soo sameeyay waqtigooda " Internship-ka" ee la xiriirta qalinjabinta waxbarashadooda.
1. Sayid Yassin Mohamed: faculty of Agriculture and Environmental science
2. A/fitah Sadaq Ahmed: faculty of Information technology IT
3. A/lahi Ali Kahiye: faculty of Information Technology IT
4. A/rizak Ahmed Hasan: faculty of Education
5. Mohamed A/ lahi: faculty of Medicine
Mudadii ay ku dhex jireen booqashada xarumaha MPHDO, waxay ardaydan u heleen fursad ay kula hadlaan ardayda wax ka barata xarumahaas iyagoo mid mid ugu sharaxay sida ay waxbarashada ku soo bilaabeen iyo mid kastaa heerka uu marayo maanta iyo kuliyada uu barto, waxay ardayda ku baraarujiyeen qiimaha ay waxbarashadu u leedahay aadamiga iyo sida dhalinyarada reer Galmudug ay waxbarashada xooga u saari lahaayeen si ay gobolka wax weyn uga qabtaan haday noqon lahayd horumarka, waxbrashada, adkaynta nabada iyo baarurjinta dadka aqoondarudu hayso iyo sidii ay uga faa'iidaystaan dhulka balaaran oo ay leedahay Galmudug isla markaana ula tartami lahaayeen dhalinyarada iyo gobolada kale ee Soomaaliyeed.
Ardaydani waxay aad ugu farxeen horumarka wanaagsan ee dhinaca waxbarashada ee ka hanaqaaday gobolka sida dugsiyada sare, hoose dhexe iyo labada Jaamacadood ee Galkacyo University iyo Mudug University . Ugu danbayntii waxay u mahadceliyeen Ururka Mudug Peace & Human Development Organization (MPHDO) soo dhawayntii iyo la shaqayntii ay ka heleen.