

Deeq
ay soo dhiibeen qaar ka tirsan
Jaaliyadaha Galmudug oo maanta
la gudoonsiiyay dhibanayaal
kusugan Gaalkacyo.
Gaalkacyo, GalMudug State,
Talaado,
26 ka, Luulyo, 2011.
F.G. Xuquuqda Sawirada iyo Warbixinta Qiimaha weyn waxaa iska leh Wariye Ceydiid Jubba
Dad ku dhibaateysnaa gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa la soo gaarsiiyay deeq gargaar aheyd taasi oo ay ku deeqeen Gabdhaha Jaaliyada Galmudug ee dibada gaar ahaan gabdhaha la kala dhaho Sacdiyo Ciise Cali dheere iyo Shukri Max'ed oo ku sugan CANADA.

Muqtar iyo Sataar oo ah labo wiil oo walaalo ah kuna dhashay miyr la'aan ayaa wasiirkii hore ee waxbarasha Burhan Warsame Cigaal, marwo Xabibo Koofurow iyo Gabdho kale waxa ay Hooyadood gudoonsiiyeen lacag gaaraysa $600 taasi oo hooyada Ilmahaasi ay sheegtay in ay aad ugu mahad celinayso Ilaahayna u baryeyso in Gabdhahaasi soo gaarsiiyay deeqda.

Sidoo kale waxaa isana la gudoonsiiyay lacag $500 Cali bashiir Xaashi Kadiye oo isagu dhibaato ka heysatay Kaadida kaasi oo aan laheyn marinka Kaadida Cali hooyadiis oo dhibaato ka muuqatay ayaa waxa ay u mahad celisay Gabdhihii gargaarka soo gaarsiiyay iyadoona sheegtay in ay aad ugu baahan yihiin in la gargaaro kana codsatay in laga caawiyo la tacaalka Cali.

Isana waxaa goobtaas deeq siiyay Nin ay soo wakiisheen dad dhibanayaal ah oo loo qaaday Miyiga.
Ugu dambeeyntii dad fara badan oo ku soo xoomay guryaha dadkaasi tabaalaysani ay joogaan ayaa waxa ay u duceynayeen gabdhaha la yiraahdo Sacdiyo Ciise Cali dheere iyo Shukri Max'ed.

Caydiid Max'ed Cali
Jubba1.5@hotmail.com
Hadaan nahay Bahda MudugNet Waxaan Ilaah uga Baryeynaa Gabdhahan walaalaheen ee u gurmaday Walaalahooda Dhibaateysan deeqdana Gaarsiiyay in Ilaaheey Waxooda u barakeeyo Adduun iyo aakhirona siiyo dambi dhaaf iyo Raxmad Waasac ah, waxaan shaki ku jirin in Sadaqadani tahay sadaqa Jaariya oo ah mid aan go'in waxayna la mid Yihiin walaalheen Shugri iyo Sacdiyo iyagoo dhisay Masjid ama ka qoday Ceel Biya lagacabo Deegaan oonleey ah, Ilaah ha idiin Dambi dhaafo.
Waxaan kaloo jeclaan lahaa in inta dhiman ee jaaliyaddu ay kaalintooda Galaan Gacanna u furaan Walaalahooda Tabaaleysan, oon Cid u aaba yeeleysaa jirin Arxan idinka idiin kaga sokeeyana ma laha.
Mahad gaar ah waxaa leh wariye Ceydiid Jubba iyo Wariye Nuuradiin Cismaan oo annaga MudugNet ahaan noo soo gudbiyay Khabaarka Dhibbanayaasha , Waxyna noo tahay Farxad inaan aragno Walaalo ajiibay Dacwadeenii taakuleynta .....
Cabdirisaaq cadde
Tifatiraha MudugNet