Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Deeq Daawooyin ah Gaarsiisay Kaamamka Barakacayaasha Gaalkacyo

Sawirada Naga Filo Goor dhow Hadii Eebbe ka raali noqdo

Gaalkacyo, GalMudug State, Sabti, 23 ka,  Luulyo, 2011.


 
Mid ka mid ah Xarumaha barakacayaasha ee magaalada Gaalkacyo ayey wasaarada Caafimaadka ee Maamul Goboleedka Galmudug Gaarsiisay Daawooyin.
 
Iyadoo baryahan dambe ay ku badanayeen cudurada kala duwan ee inta badan ka dilaaca goobaha bara kacayaasha ay ku badan yihiin ayey maamulka Galmudug waxa ay u kuurgaleen dhibaatooyinka kaladuwan ee haysta dadka faraha badan ee u soo barakacay deegaanada Galmudug maadaama aysan jirin cid si gaar ah isaga xil saartay.


 
Hadaba kormeer ay ku samaysay wasaarada Caafimaadka ee Galmudug meelaha ay ku nool yihiin Dadka ka soo hayaamay deegaanadii ay sida rasmiga ah ugu noolaan jireen taasi oo ay uga soo baxday in dadkaas dhibaatooyin kala duwan haystaan haba ugu badnaato xaga caafimaadka.
 


 
Kaamka Qoraxay oo ah Kaamamka ugu waaweyn ayaa waxa ay gaysay Wasaarada Caafimaadku daawooyin kala duwan waxaana halkaasi gaarsiiyey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka C/llahi Maxamed Xasan oo uu wahelinayey Madaxa MCH yada galmudug Daahir Yaasiin.
 
 
Waxaa daawo qaybintaas ka faa'iidaystay 120 qof oo iyagu ka helay daawooyin kala duwan isla markaana ku haboon cudurada ay ka cabanayeen.
 
Waa markii ugu horaysay oo ay Galmudug si iskeed ah ay caawimo ugu gudbiso dadka ka soo barakacay Koonfurta dalka waxaana ay ku soo aadaysa xili madaxweynaha dawlad Goboleedka Galmudug uu ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ka soo barakiciyeen guryahoodii.
 
 
Illaa iyo hada majirto wax hay'ado ah oo ka qayb qaatay daawa qaybintan loo sameeyey dadka barakacayaasha ah balse xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa iyagu si mutadawac nimo ah ugu fuliya wixii baahidooda ah
 
Fu'aad xasan Caaqil(sanyuura)
sanyuuraf@hotmail.com/sanyuraf@gmail.com
mudugnet.com Galkacyo, Galmudug State. Soomaaliya

.