Dafcadii labaad ee dhinaca Saxaafada oo lagu soo gabagabeyey Iskuulka Waabari ee Gaalkacyo

 

Gaalkacyo, GalMudug State, Isniin, 18 ka,  Luulyo, 2011.


 
Iskulka Waabari oo ka mida ah iskuulada bixiya waxbarashada caadiga ah ayaa hadana waxa uu dheeryahay iskulada kale waxbarasho dhinacyo kala duwan ah sida kumbuyutaraka,caafimaadka iyo saxaafada.
 
hadaba waxaa todobaadakan ka qalin jabisay dacadii labaad ee dhinaca saxaafada ku waasi oo ka kobnaa 20 arday o iyagu nasiib u yeeshay in lagudoonsiiyo shahaado saxaafaded oo mudo lixbilood ah ay baranayen islamarkaana ay ku soo biireen bahada saxaafada ee kahawlgasha deegaanka Galmudug.
 
 
Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta dugsiga waabari ayaawaxaa ka soo qayb galay masuuliyiinkasocotay maamulka Galmudug oo uu kamid ahaa wasiir ku xigenki hore e warfaafinta mudane Axmed Maxamuud Xasan (axmed baasto) Idaacadaha iyo tvyada ka hawlgala magaaladaiyo dahmaanqaybaha kala duwan e bulshada.
 
 
Hadaba Khudbadu dhaadheer oo ay halkaasi kajediyen ka soo qayb galayaashii Xafladaasi ayaa ugu dambayntii waxaa makarafonka lagu soo dhaweyey wasiir mudane baasto
 
Axmed Baasto ayaa uga mahadceliyey sida qiimaha badan ee xaflada lo soo agaasimay isagoona sheegay in looga baahanyahay in dhalinyarada saxaafada baratay ay isku dayaan in dadkoda dalkooda si daacada ah ugu shaqeyaan.
 
Dhinaca kale wasiirku waxa uu ka shanqariyey in looga baahanyahay saxafiyintu in ay wax walba ka hormariyaan wararka Galmudug una arkaan in Galmudug ay agtooda katahay mid muqadas ah kana dadaalaan in ay iska ilaaliyaan qabyaalada iyo waxyaabaha halaagay umada Soomaaliyed ee dhigay mudo labaatan sano ah dawlad la,aan.
Sidoo kale wasiir ku xigeenkii hore ee Warfaafinta Galmudug waxa uu dardaaran u jediyey wasiirada cusub ee laga yaabo in ay xilka kala wareegaan.
 
Dardaaranka ayaa ku wajahnaa inta badan in ay horay uga siiqaadaan halka maanta ay Galmudug marayso iyo iyo waliba in isha sigaar ahaaneed loogu hayo saxafiyiinta galmudug oo runtii lagu tilmaami karo kuwa heerkan gaarsiiyey iyagon wax mushaar ah ku qaadanin marka lagarebo muwaadinimada ayku shaqeeyaan 24ka sacaadood.
 
Sikastaba ha ahaate xafladan ayaa ku soo dhamaatay siwanaagsan oo dagan islamarkaana ay farxadi ka muuqato


Fu'aad Xasan Caaqil(sanyura)
sanyuraf@hotmail.com/sanyuraf@gmaail.com
mudugnet.com Galkacyo Galmudug Somaaliya

 

.