Kulanki maanta ay wax garadka Gobolada dhexe la yeesheen madaxda Galmudug oo faah faahsan

 

Gaalkacyo, GalMudug State, Arbaco, 13 ka,  Luulyo, 2011


 
Salaadiin iyo waxgarad soo gaaray shalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamulka Galmudug ayaa kadib kulankii ay ku yeesheen Hotel Embasy waxa ay kagahadleen u jeedada socodkooda oo ku aadanaa sidii nabad waarta looga dhigi lahaa deegaanada haatan ay colaadu ka taagan tahay.
 
wafdigan oo uu hogaaminayey Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur ayaa waxa ay ka yimaadeen inta badan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya waxa ayna sheegen in ujeedada safarkoodu ahayd in ladamiyo colaada hada ka taagan Koonfurta Gobolka Mudug Taasi oo u dhaxaysa laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda deegaanada Galinsoor iyo Cadaado ku waasi oo uu dagal dhimasho iyo dhaawac farabadan gaystay uu ku dhexmaray deegaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug.
 
Cuqaasha ayaa waxa ay ka kala yimaaden magaaloyinka ceelbuur Dhuusamareeb Caabudwaaq iyo Guriceel Waxa ay maanta kulamo dhawr ah laqaateen madaxda iyo waxgaradka reer Galmudug islamarkaana si faahfaasan uga hadleen waxa loga baahanyahay in ay ku dhaqaaqayaan.
 
Kulankan oo ay dhinaca Galmudug goobjoog ka ahaayen dhamaan xubnaha labada gole oo uu horkacayey madaxweyne maxamed Axmed Caalin ayaa ahaa inta badan mid lagu lafa guray xaalada haatan taagan mar uu kulankaasi kahadlay madaxweyne Caalin ayuu sheegay in Galmudug ahaan ay ka go,antahay in la raadiyo nabada islamarkaana ay geed dheer iyo midgaabanba u fuulayaan arintaasi waxa uuna carab baabay in looga baahanyahay dhinaca kale ee Cadaado in ay sidaasi silamid ah u qaataan wada nolaansho dhab ah
Madaxweynuhu waxa uu u mahadceliyey Cuqaasha iyo wax garadka ka xanuunsaday dhiiga daadanaya waxaana uu balanqaaday waxkasta o ay go aamiyaan in ay dioyaar u yihiin dhinacooda isgoo waliba wakiil ka ah shacabka reer Galmudug dhamaantood.
 
Waxaa isna halkaasi hadal dheer ka jeediyey Ugaas Xasan oo mahadcelinta soo dhaweynta kadib u guda dhacay u jeedada socodkooda sheegayna in ay aad ugu faraxsanyihiin sida ay uga aqbeeleen madaxda iyo waxgaradka Maamulka Galmudug waxa uuna tilmaamay ugaas Xasan in ay habontahay wax kasta dadka dariska ah dhexmara in lagu dhameyo wadahadal islamarkaana la ixtiraamo wada dhalashada iyo darisnimada labadaba waxaana uu baaq u diray dhinacyada ay dirirtu u dhaxayso xiligan.
 
Kulankan oo intiisa badan lagu falanqeeyey sida ugu haboon ee arintan lo wajahayo ayey timaamen ka qayb galayaashii kulanka.
Shirkan oo ay dhinaca kale goobjog ahaayeen ayaa gaba gabadii waxaa lagu soo dhaweyey Gudomiyaha gudiga dibuheshiisiinta Qaranka oo isagu halkaasi ka jeediyey hadalo dardaaran guubaabo iyo caqli celi isugu jira ka jediyey waxa uuna tilmaamay maalmihii ay joogeen galmudug in ay kala kulmeen soo dhaweyn aanay arag waligod isagoona sheegay in ay diyaar u yihiin in ay melkasta o nabada loogali karo ay karaadiyaan iyago kaashanaya dhinacyada ay xurguftu u dhjaxayso.
 
Si kastaba ha ahaatee kulamadan isdaba jooga ah ee ka socda magaalada Galkacyoayaa imanaya xili maalikishaylay uu dagaal kasoo cusboonaaday deegaanka Dhagtuur oo mudooyinkii u dambeeyey ay ku dagaalamayen belaha walaalaha ah ee halkaasi wada daga maleeshiyaad kasoo jeeda.

Fu'aad Xasan Caaqil(sanyuura)
sanyuuraf@hotmail.com/sanyuraf@gmail.com
mudugnet.com Galkacyo Galmudug Soomaaliya