Ururka Amoud Foundation oo raashin afur ah ka qeybiyay deegaanada Docol, Carfuuda iyo Bandiiradleey ee Gobolka Mudug.

Xuquuqda Sawirada iyo Warbixintan Qiimaha weyn Waxay u gaar tahay Wariye Nuuradiin Cismaan Fadlan Ha xadgudbin hana xadin weydiiso ogolaansho Wariyaha isagaaba jecel inaad website yadiina gashataan --- Mahadsanidiin

Gaalkacyo, GalMudug, Talaado 30ka,  August, 2011.


 
Ururka Amoud Foundation ayaa raashin Afur ah waxa ay u qeybiyeen dad isugu jira Barakacayaal iyo kuwa danyar ah kuwaasoo ku nool deegaanada Docol,
Carfuuda iyo Bandiiradleey ee Gobolka Mudug.
 
Ururka Amoud oo ah urur ka dhisan Dalka Mareykanka ayaa wax ay u wakiisheen in ay qeybiyaan raashinkan Qaar ka mid ah Culima-awdiinka Iyo Ganacsatada Gobolka Mudug ee Dawlad Goboleedka Galmudug.
 
Macalin Maxamuud Macalin Yuusuf oo ka mid ah Culima-awdiinka raashinkan qeybinayay ayaa waxa uu sheegay raashinkan afurka ah in ay soo dhiibeen Ururka Amoud isla
markaana ay ugu talagaleen in la gaarsiiyo barakacayaasha iyo intii kaalmo u baahan.
 
Goobta raashinka lagu qeybinayay waxaa ka hadlay qaar ka mid ah dadkii raashinka la siiyay waxayna u mahad celiyeen Ururka Amoud Foundation,
Allaahna waxa ay uga baryeen in uu ka abaal mariyo hawshaan ay u sameeyeen walaalahooda baahan.
 
Raashinkan Afurka ah ee laga qeybiyay deegaanada Docol,
Carfuuda iyo Bandiiradleey ayaa waxa uu isugu jiraa Bur, Bariis, Timir iyo Saliid waana raashinkii 2aad ee ay qeybiso Ururka Amoud Foundation, waxayna horey raashin kanoo kale ah ugu qeybisay magaalada Gaalkacyo Barakacayaal iyo dad kaloo Danyar ah.
 
 
Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or Abuuakram1@gmail.com
Galmudug State-Galkacio-Somalia.

 



Annaguna hadaan nahay bahda MudugNet Waxaan ilaah uga baryeynaa Ururka Amoud Foundation inuu Adduun iyo Aakhiraba Albaabada Raxmada u Furo, sida Islaanimada leh oo ay ugu gurmadeen Walaalahooda aadka u dhibaateysan.

Waxaan akhristayaasha u sheegeynaa in Kaalmadaan Ay Amoud Foundation Gaarsiiyeen Dadkan dhibaateysan iney Qeyb ka tahay Kaalmooyin aad u fara badan oo ay u kala direen Goobo Fara badan oo deegaanada Soomaaliya ka mid ah. iyagoo aan u eegin dhalasho iyo Macrifad, Waxaana ka xunnahay inaan sidii mudneyd loo soo tebin Kaalmooyinka la gaarsiiyay Deegaanada kale Sababo kala duwan Awgeed.

Muhimadda ugu weyn ee  ay Amoud Foundation ka leedahay kaalmooyinkaana Maahan ku raadso magac ama Kursi iyo Jago Dowladeed waa Sadaqa Jaariya  oo ay Ilaahey Wajigiisa u baxsadeen Ilaaheey Wax ka weyn ha ugu badalee.

Sidoo kale waxaan Fursaddan Qaaliga ah Mar kale ugu mahad celinayaa Wariyaha Qaaliga ah Nuuradiin Cismaan Maxamed  (AbuuAkram) oo had iyo Jeer nala qeybsada Wararka Galmudug kuwooda Wanaagga iyo Kheyrka Xambaarsan Ilaah Abaalkiisa Jannatul Fardowsa ha ka yeelo.

Nuuradiin kama mid aha wariyaasha MudugNet Haddana had iyo jeer Wararka wanaagga Xambaarsan sida Gurmaadka Abaaraha, Taakuleynta Ubadka Dhibaateysan Horumarka Waxbarashada Gaar ahaan Jaamacadaha ayuu mar kasta nala wadaagaa waxaana xusuusineynaa inuu agtayada ka leeyahay Qiimi iyo Sharaf aad u sareeya.

Cabdirisaaq Cadde Siyaad
MudugNet Editor, Toronto, Canada.
 

 



.