Ururka Amoud Foundation oo raashin u qeybiyay Barkacayaasha ku nool Gobolka Mudug.

F.G. Xuquuqda Sawirada iyo Warbixintaba waxaa iska leh Wariye Nuuradiin Cismaan Ilaah ha ka baal mariyee, Fadlan ha xadin Sawirada adigoon ogolaasho ka helin wariyahana ha isticmaalin Sawirada

Gaalkacyo, GalMudug, Sabti,  20 ka,  August, 2011.


 Ururka Amoud Foundation ayaa raashin Afur ah waxa ay u qeybiyeen dad isugu jira Barakacayaal iyo kuwa danyar ah kuwaasoo ku nool Gobolka Mudug ee Dawlad Goboleedka Galmudug.
 
Ururka Amoud oo ah urur ka dhisan Dalka Mareykanka ayaa wax ay u wakiishatay in ay qeybiyaan raashinkan Qaar ka mid ah Culimada Iyo Ganacsatada Gobolka Mudug ee Dawlad Goboleedka Galmudug.
 
Sheekh C/Laahi Axmed Faarax oo ka mid ah dadkii raashinkan qeybinayay ayaa waxa uu sheegay in raashinkan ay soo dhiibeen Ururka Amoud islamarkaana ay ugu talagaleen in la gaarsiiyo barakacayaasha iyo intii kaalmo u baahan.
 
Goobta raashinka lagu qeybinayay waxaa ka hadlay Haweeneey ka mid ah dadka barakacayaasha waxayna u mahad celisay dadkii soo dhiibay raashinkaan, Allaahna waxa ay uga barisay in uu ka abaal mariyo.
 
Raashinkan Afurka ah ee la qeybiyay ayaa waxa uu isugu jiraa Bur,Bariis iyo Saliid waana raashinkii ugu horeeyay ee ay qeybiso Ururka Amoud Foundation.
 
Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or Abuuakram1@gmail.com
Galmudug State-Galkacio-Somalia.

Amoud Foundation Ilaah ha ka abaal mariyo Kaalmadan wax ku oolka ah ee ay la soo gaareen Walaalahooda Dhibaateysan.

Ururkan Amoud Foundation oo xaruntoodu tahay Gobolka Texas ee Waddanka Mareykanka ayaa had iyo Jeer u gargaara walaalaha Dhibaateysan ee Soomaalida iyo Guud ahaan Dalalka Islaamka kaleba waxaana Marar badan aan ka wada qeyb qaadannay Howlo Samafal ah oo ay ka mid tahay midda Ilmaha Xanuunsan ee Soomaaliya Caafimaadka dibadaha loogu soo qaado ee uu hormuudka ka yahay Samafale CabdiCasiis Muuse Maaxaay, Taasoo Amoud Foundation ay ahaayeen Lafdhabar ka Howlahaas ilaah ha ka abaal mariyo Adduun iyo Aakhiraba.

Sidoo kale Walaalkeen Wariye Nuuradiin ilaah ha ka abaal mariyo Wanaagga aad mar kasta noogu soo tabiso Facaalul Kheyrka . Xaqiiqana waxaa ah inaad ajir weyn Alle xaggiisa ka heleysid.

Laashin Abtidoon Aw-Baahalow
MudugNet Editor

 



.