

Jamacadda Mudug University oo si
deeq ah u
siisay arday barashada aalada
Computer-ka.
Gaalkacyo, GalMudug, Talaado,
9 ka,
August, 2011.
Mudug University ayaa waxa ay arday ufurtay barashada Computer-ka si lacag la’aan ah iyadoona ay arday aad ufara badani ay kafaa’ideysanayaan.
Barnaamijkani oo ay maalgalinayso hay’ada CISP ayaa xulasho ay sameysay hay’adaasi waxa ay sidhameystiran gacanta ugu galiyeen jaamacadda Mudug.
Ardayda oo gaaraysa 50 arday ah ayaa waxa ay isugu jiraan wiilal iyo gabdho kuwaasoo qabashadooda lagu soo xushay imtixaan ay mareen ardaydaasi.
Kormeer ay siwadajir ah usameeyeen wasaarada Waxbarashada iyo hay’ada CISP ayaa waxa ay kubooriyeen ardayda in ay ku dadaalaan siday oga guulgaari lahaayeen barasha computerkani sida deeqda ah loo siiyay.
Caydiid Max’ed Cali
Jubba1.5@hotmail.com
.