Arday ka timid jaamacadaha dibada oo maanta

 booqday machadka Al-Xikma.

Gaalkacyo, GalMudug, Talaado,  9 ka,  August, 2011.

 F.G. Xuquuqda Sawirada iyo Warbixintaba waxaa Iska leh Wariye Caydiid Jubba.

Arday reer Galmudug ah oo ka timid jaamacadaha Dibada ayaa waxa ay booqasho ku gaareen machadka barashada diiniga iyo maadiga ee Al-xikma oo ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Booqashadani ay sameeyeen ardaydani ayaa waxa ay marka hore la kulmeen maamulka dugsigaasi iyagoona ka wareystay qaabka waxbarasho ee dugsigani.

Ardayda machadkaasi oo iyana u taagnaa barnamijka Taabuurka ayaa waxa ay soo bandhigeen soo dhaweeyn midi ugu diiranayd.

Kadib hadal dheer oo ay ujeediyeen ardayda yaryar ayaa waxa ay kala hadleen in ay yihiin jiilkii birito dadkani u soo kici lahaa loona baahan yahay  in ay ku adkeystaan siiwadashada waxbarashada.

Ugu dambeentii ayay waxa ay ugu galeen fasalada ay daruustu ka socotay iyagoona la yeeshay wareysi hoose oo kusaabsan Waxbarashada.

Caydiid Max’ed Cali

Jubba1.5@hotmail.com

 



.