Horumarka Iyo Dibudhaca Galmudug ee 2011
(Maqaal Ku Dhisan Xog’ogaalnimo)



 

 


 

 

D:\my section (khayre)\all pictures\new picture shirkii ka dhcay xafiiska\DSC03784.JPGWaxaan dhawaan tagay deeganada galmudug waxaana u kuurgalay xaladaha kaduwan ee kajira halkaa sida: Siyaasada, Amaanka, Ganacsiga, Waxbarashada, iyo Wacyiga guud ee bulshada rayidka ah.

Hadii aan wax kaxuso waxii aan halkaa ku soo arkay  waan u kala qaybinayaa 2 qaybood oo kala ah

1.      horurka jira ee lataabankaro

2.      dhaliilaha taagan iyo sida looga gudbikaro

hadii aan ku hormaro Horumarka waxaa ladhihikaaraa wuu sii kordhayaa maalinba maalinta ka danbaysa waxaana arkaysaa muuqalo kaduwan kuwaa oo katurjumaya heerka kobaca hormarineed ee kajira deegaanka .

tusaale ahaan magaalada gaalkacyo waxaa u arkaysaa Arday kaladuwan oo u kala gooshaya qaybaha Waxbarashada lagabilaabo Dugsi hoose ilaa heer Jamacadeed sidookale waxaa si aad ah u soobadanaya malgashiga ay samaynayaa ganacsatada reer Galmudug haba ubadnaadaane ganacsatadii muqdisho waxaa lahirgaliyay warshado yar yar oo soo saara waxyaabo kaladuwan sidookale waxaa magaalada soo dagay Hay’ado calami ah waxaana soo badanaya fursadaha shaqo ee ay helayaan dhalinta waxbaratay waxaa meesha kamaqnayn kobaca dhismooyinka oo la dhihi karo waxay bobacday magaalo 100% mudo aan kabadnayn 2 sano

intaan kuma koobna hormarka kajira galmudug hase ahaatee waxaa ladhihikaraa waxaa u weyn baraaruga qaybaha kaladuwan ee balshada sida : Dhalinyarada, Hooyooyinka , Ganacsatada iyo Aqoonyahanada kuwaas oo ka gudbay gabi ahaanba waxyaalihii lagu yaqaanay bulshada soomaliyeed sida: Qabyaalad, Jahli, waxqabadla aan iyo dhamaan waxyaalaha muujiya dib udhaca bulsho meel ku nool . waxay diideen bulashada Galmudug in la sameeyo waxkasta oo dhantaali kara sharafta , midnimada iyo horumarka mustaqbalka  dhow ee bulshada galmudug waxayna u hureen naf iyo maal sida aad ku aragteen warbixinada ay warbaahintu idinsoo gudbisay.

Dhaliilaha jira iyo siyaabaha looga gudbi karo

Waxaan jira gaabis iyo dhaliilo gudaha ah ee loo tirinayo in ay mas’uul ka yihiin madaxda sharafta leh ee hadda hogaamisa galmudug waxaana ugu muhiimsan dhinacyada Amniga iyo Siyaasada. Tusaale ahaan maamulku si buuxda gacanta uguma hayo ciidamada deegaanka jooga talo weyna kuma leh taas oo keentay in ay socon waayaan awaamir badan oo laxariirtay Amniga sidookale maamulku ma leh siyaasad cad oo ku aadan ayaaha somaliya iyo katalintiisa sida maalmulada lamid ka ah maadama ay galmudug kamid noqotay sadex maamul ee laga aqoon sanyahay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay … mana doonayo in aan ku siidheeraado dhaliiha ciida kabatay ee kajira maamulka iyo xitaa jufooyinka oo aan sidii la rabay u dhinac istaagin maamulka

Dhamaan dhibaatoyinkan  aan kor ku xusay waxaa ugumuhiimsan oo sababay sedex waxyaalood oo kala ah:

1.      Aqoon iyo Khibrad yaraan haysa madaxda waaxyaha kaladuwan ee dowlada taas oo sababtay in la waayo qorshe cad oo la higsanayo mustaqbalka dhaw iyo kan fog iyo khidad ay hay’adaha wax caawiyaa kula shaqeeyaan maamulka, waxaana lagamaar maan ah in laga wadashaqeeyo xoogana lasaaro in shaqada loo dhiibo qof lagu keenay aqoontiisa laguna sameeyo dabagal si loo kormeero qorshihiisa shaqo iyo wax qabadkiisa.

2.      Caqabada labaad waxaytahay hubka gacanta ugu jira qabiilada iyo meleeshiyaadka taas oo meesha kasaartay in maamulku uu fuliyo howsha loo dhiibay iyo in la sugo amniga muwaadiniinta reer galmudug , waxaana waajibka saranyahay qofkasta in uu ka shaqeeyo side caqabadaa looga gudbilahaa waana arin iyada oo aan lahelin aan lagaarikarin horumarka mustaqbalka loo socdo, waxyaalaha ugu weyn ee ay ku andacoonayan dadka hubka gacanta ku haya ayaa ah in aysan ku aaminikarin hubka dadka hadda shaqada haya ee ka tirsan maamulka waana arin loo garaabikaro marka aad aqrisid qodabka 1aad ee maqaalkan.

3.      Caqabada sedexaad waxay tahay wacyi galin la’aan taas oo ah arin muhuum ah marka ladoonayo in bulsho lajeheeyo ama loorarayo dhanka horumarka waxaana doorkaa gabay qalabka warbaahinta (idacadaha) oo aan helin shaqaale u tobabaran hanuuninta  waana arin mudan si dag dag ah loo bilaabo ayadoo lagala tashanayo dadka khibrada u leh hagida bulshada iyo saxaafada..

Ugu dan baytii waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan dadka reer galmudug ee u halgamay in lagaaro horumar buuxa sigaar dadka qurba joogta ah,

waxaan sidooke kadigayaa dadka deegaanka galmudug kawada arimaha ku dhisan kooxaysiga ku salaysan fikirka diiniga ah taas oo deegaanka ka dhigikarta Muqdisho cusub waxayna dadkaa ku qaraabtaan magaca waxbarashada iyo agoonta galmudug ….

Maxamed C/laahi Cali Wardheere

E.mail : amiin4me@hotmail.com

Tell: +967736554357

Mukalla-Yamen