Galmudug: Kooxaysi Iyo Maamul Xumo Ka Bilaabatay



Shacabka Galmudug waxay had iyo goor ka cawdaan tayo iyo maamul xumada xagga hoggaanka. Kagadaal kolkii madaxweyne Caalin magacaabay qaar kamid ah golihii wasiiradii laga sugayay, waxaa soo ifbaxday xantii la isla dhexmarayay magaalada Gaalkacyo oo ahayd in hoggaanku doonayo in uu taabagalyo ''isxulofaysigii wixii lagu sheegay Salballaar ee 1995''. Fikradaha noocaan ahi waa kuwo sabool ah, dib u dhac weyn ah isla markaasna sii kala geynayaa shacabka Galmudug oo hadda u hinqaday in ay sameeyaan xoogaa horumar ah
 
Waxaa kaloo fajac iyo hanfariir noqotay in shir ka dhacaya London oo uu qaban qaabiyay ururka siyaasadda caalamigaa gorfeeya ee aqalka Chatham House, shirkaasoo dhacaya maalinta 18 bishan July 2011 oo  Omar Mohamoud Rooble, hore loogu balamiyay in uu ka hadlo ay niman xulufo siyaasadeed ahi ay telephone iyo qoraalba u direen aqalka Chatham House oo shirkaas lagu qabanayo iyagoo ku yiri '' Omar Mohamoud Rooble waa la cayriyay oo ma matalayo Galmudug''. Caqliyada noocan ahi waatu sabool liidata ah waayo Omar Suuri waa masuul reer Galmudug ah oo naftiisa u huray, waxna ka dhisay Galmudug, shirkana labo bilood kahor baa lagu casumay oo uu diyaarinay documents iyo warbixino ka turjumaya taariikhda, maamulka, siyaasadda iyo horumaka Galmudug State gaartay intii ay jirtay.
 
Gunaanad, dadka kuwa aqoonta sheeganaya haddii ay sidaas u dhaqmayaan, xaaladda Galmudug walee waa rajo beel. waxaa nasiib wanaag ah in Mudane Omar Suuri uu London yimid 16 July loona ogolaaday in uu shirkaas u matalo Galmudug iyadoo Chatham House iska indhatiray kuwa cabanayay oo feer ordayay Omar Suur. Haddii bulsho laga waayo isqadarin, cadaalad, maamul wanaag, kaladambeyn iwm, bulshadaasi way halaagsantay. Maamulka Caalin oo ay u hartay wax ka yar halsano, baa hadda u muuqda mid wado xun ku ambanaya.
 
Al Xasad maaya aflax bayna naas.
 
Kaarshe Majiid