Jaamacadda Mudug univeristy oo shirka
jaamacadaha Africa iyo Arabta ka qayb gali doonta



Gaalkacyo, Galmudug State, Isniin 11/07/2011

Jaamacada Mudug university  ayaa ka qayb gali doonta shir Jamacadaha Africa iyo Arabta uga furmi doona Magalada Rabat ee wadanka  Morocco, 12-13 July 2011 Shirkaas oo socon doona laba maalmood ayaa lagu casuumay jamaacada mudug university in ay qayb gasho.

Jaamacada Mudug University Waxay shirar gooni goni ah la yeelan dontaa Madaxda Jaamacada halkaasi isugu yimaada taas oo looga wada hadli doono horumarinta waxbarasha iyo sidii xiriir caalami ah uu u dhex mari lahaa jaamacada iyo jaamacadaha kale ee Africa iyo Arabta ka kala socda.

Waxaa Jaamacada Mudug Univeristy uga qaybgalaya Dr Hassan Ali Warsame

Macluumaad shirka oo dhamays tiran waxa aan idinkugu soo gudbindonaa Website ka Jaamacada hadii alle idmo

 

Coordinator

Mudug University