Dhowridda Midnimada Dalka Somalia: TFG OO Qaribaysa Somalia



MudugNet, Axad, 10ka July 2011.

Madaxweynaha kooxda TFG Sh. Shariif baa siweyn u dhaawacay karaamada iyo midnimada dalka Somalia( The Somali Republic) kagadaal markii uu ogalaaday in maamul beeleedyada Waqooyiga galbeed iyo Waqooyi bari ee dalka Somalia uu la qaabsado casumaaddii ay fidisay dawladda cusub ee laga sameeyay Koonfurta dalka Soodaan( South Sudan). Sh. Shariif, Ahmed Mohamed Siilaanyo iyo Abdirahman Faroole, baa siman oo heer maamuus madaxweyne ah loogu soo wada dhaweeyay caasimadda dowladda cusub ee Juba.

 

 
Haddaba madaxweynaha kooxda TFG oo ay shisheeyuhu u taliyaan isla markaasna masruufaan wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka Somalia uu kala go'ay oo ay ka jiraan dhowr dowladood oo kala madax bannaan. Waxay ahayd fadeexo siyaasadeed iyo khiyaano qaran in Sh. Shariif ogolaado in uu salaan la qaybsado shaqsiyaad doonaya in ay dalka Somalia kala gooyeen iyagoo ka duulaya qabyaalad, qabiil iyo danaysiyo raqiis ah.
 
Koonfurta Sudan waxaa kunool dad African madow ah oo leh luuqad, dhaqan iyo diin ka duwan tan waqooyiga (Sudan-north) Sudan, waxaana South Sudan khasab kaga jiray north Sudan wadamada reer galbeedkka iyagoo ka duulaya diin iyo dano kale.
 
Sida cad oo muuqata, maamulka TFG waa mashruuc danaysi oo hadafkiisu yahay in dalka Somalia lakala goo-gooyo oo laga dhigo Xerooyin ukala oodan qabaa'ilo diintoodu tahay qabiil iyo qabyaalad oo aan garasho u lahayn qiimaha dowladnimo qaran iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
 
Afmeer, Sh. Shariif Sh. Ahmed iyo Shariif Xasan Aden, waxay dalka Somalia ku wadan meel xun iyo qaran jab haddii si deg deg ah aysan wadaniyiinta Soomaaliyeed ka hortagin khatarta uu ku sugan yahay dalka Somalia. Dalka Somalia iyo dadkiisuba uma baahna in lakala qaybiyo oo dhexdooda laga abuuro cadaawad aan jirin. Maamulada dhalanteedkaa sida Azaaniya oo ay dowladda Kenya ka wado Jubbooyinka waa mid abuuraya colaad hor leh waayo Jubbooyinku ma ahan dhul reero gaar ahi leeyihiin. Labada Shariif ee maamula mashruuca ceebeed ee TFG waa mid halakeeyay qadiyadda iyo xornimada dalka Somalia, isla markaasna ummadda iyo dalka u horseeday gunnimo, gumeysi, musuqmaasuq iyo maamul xumo baahsan. Waxaa si weyn suurtagal u ah in maamulka TFG ay Ethiopia, Kenya iyo xulafooyinkoodu ay ka saxiixaan in dalka Somalia la kala goo-gooyo isla markaasna la hoos geeyo cadowga Xabashida iyo Kenya. Hadda dhufaaninta umada iyo dalka Somalia waxaa kusoo biiray dowladaha Uganda, Burundi, kuwaasoo ay adeegsanayaan dowladaha cadowga ku ah midnimada iyo madax bannaanidda dalka Somalia.
 
War Hooy Yaa Soomaali Toos OO
Badbaadso dalkaaga, Diintaada iyo
Karaamadaada !!
 
Kaarshe Majiid